
Garowe: Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa lagu kala iibsaday daawooyin uu dalka Turkey ugu deeqay Soomaaliya taas oo cadadkeeda lagu sheegay ilaa 100 tone oo daawo ah, kuwaas oo ay Puntland ku lahayd qaybta ugu badan.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxay shaaca ka qaadey sida ay uga xuntahay in daawooyinkii loogu talagalay 3-da sano ee soo socota inay kayd u noqoto in lagu lunsado magaalada Muqdisho,wasaaradda caafimaadka dowaldda Puntland waxay dowladda Turkey ka codsatey in wixii mucaawino ah oo Puntland loogu talagalay in toos loosoo gaarsiiyo si aysan u dhicin lunsashada hada ka dhacday Muqdisho iyo musuqmaasuqa lagula kacay daawooyinkii Soomaaliya guud ahaan loogu talagalay in loo qaybsho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Maxamed XIirsi Ducaale ayaa magaalada Muqdisho u tagay sidii uu qaybtii Puntland ugu soo rarari lahaa nasiibdarose waxaa ku noqotey in daawadooyinkiiba la iska maamushay oo ilaa hada aysan jirin wax u suuro galay iyadoo uu rajo xumo ka muujiyey in daawadii Puntland loogu talagalay la helo.
Waqti xaadirkan waxaa Puntland ka jira baahi daawo oo aad u weyn iyadoo ay shaqeynayaan 226 xarumood oo loogu adeegayo shacanka Soomaaliyeed una baahan in si deg deg ah daawo loogu helo xarumahan waxay isugu jiraann Isbitaalada guud,Isbitaalada degmooyiinka, Xarumaha cudurka qaaxada iyo AIDs-ka, Xarumaha Dhimirka, Xarumaha lagu xanaaneeyo hooyooyinka iyo caruurta (MCHs) iyo Baraha caafimaadka barakacayaasha iyo heer tuulo.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda ayaa walaac ka muujisay musuqmaasuqa daawdaa lagula kacay iyo afduubka lagu samaynayo xiriirka Turkey iyo Soomaaliya oo ay soo xiritaankiisa aasaas u ahayd dowladda Puntland.Sida ay ku xog warameen madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland daawooyinka Muqdisho lagu kala iibsaday waxay qaarkood soo gaareen Puntland iyagoo ku yimid qaab ganacsi.
Waxaa kaloo xusid mudan in deeqaha Caalamku ugu talagalo Soomaaliya in aysan soo dhaafin magaalada Muqdisho oo lagu kala iibsado, waxaana cadayn taas u ah daawooyinka Muqdisho lagu kala iibsanayo iyo waliba deeqaha waxbarasho oo isla wadanka Turkey uu siiyey dadka Soomaaliyeed in lagu kala iibsado Muqdisho oo uu ka furmay suuqa kala iibsiga mucaawanooyinka dadka Soomaaliya loogu talagalay nooc walba ha isugu jireene.
Wasaaradda Caafimaadku waxay sheegtey inay aad u canbaareynayso kala iibsiga deeqaha Soomaaliya loogu talagalay ee uu caalamku siiyey gaar ahaan deeqaha Daawooyinka, Waxbarashada oo caafimaad ku jiro waxayna Wasaaraddu ka codsatey Dowladda Turkey in wixii Puntland loogu talagalay ee ay qayb ahaan uga hesho mucaawunooyinka uu Soomaaliya siiyo in toos loo soo gaarsiiyo si aysan u dhicin mar kale qaababkan kala iibsiga ah ee lagula kacay deeqahaas.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland