Addis Ababa(RBC):- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Itoobiya, ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dawladda dhexe ee Itoobiya Males Zanawi.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Ra’iisal wasaare Males, ayaa ka hadlay qodobbo la xidhiidha arrimaha nabadgelyada, xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Waxaana sidaa lagu sheegay war qoraal ah oo caawa ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.
Waxa warka qoraalka ah lagu sheegay, Kulanka labada masuul oo ka qabsoomay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Caasimadda Addis Ababa, ayaa lagaga wadahadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta Xidhiidhka Nabad-gelyada, Ganacsiga, waxbarashada labada Somaliland iyo Ethiopia.
Waxa kale oo ay ka wadahadleen sidii dib u qiimayn loogu samayn lahaa xidhiidhka labada dal ee xagga nabadgelyada iyo ilaalinta xasilloonida, iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha Amni-darrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqadda.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaruhu waxay isla garteen falanqayn badan ka dib, in ay ku fara-adaygid doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii ay hore u wada saxeexeen.
Weftiga Madaxweynaha Somaliland ku wehelinaya Safarka, Marwadiisa Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirrada arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, wakiilka Somaliland ee Itoobiya Aadan Nuux Dhuule, Ku-xigeenka wakiilka Ayaanle Salaad Diiriye.
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa.
mama etho help me they karbash my ass "idoor request"
