Hargeysa(RBC) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo , ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu muddo laba maalmood ah ugu maqnaa dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa ka soo digay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, waxa soo dhaweeyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku-xigeennada shir-guddoonka Wakiillada iyo Guurtida, masuuliyiin ka tirsan Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, madax kale iyo dadweyne tiro badan.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo qolka nashada ee garoonka diyaaradaha Hargeysa warbaahinta kula hadlay markii uu soo degay ka dib, ayaa ka hadlay kulammo uu la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dawladda Itoobiya Males Zanawi, oo uu sheegay inay qodobbo muhiim ah ka wadahadleen.
Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland ka hadlay dagaal saaka illaa maanta ka socday deegaannada Buuhoodle iyo Gambadha oo u dhexeeyay Ciidanka Somaliland iyo ciidanka maamulka khaatumo. Isla markaana, waxa uu Axmed-Siilaanyo ku baaqay in dagaalka la joojiyo. Waxaanu ku celiyey baaq-nabadeed oo uu dhawr jeer oo hore sheegay inuu u fidinayo Beesha gobolka Sool iyo Buuhoodle.
“Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay dagaalka ka dhacay xalay iyo maanta deegaannada Buuhoodle, waxaanan ku baaqayaa nabad. Waxaan ku celinayaa gogoshii nabadeed ee aan hore ugu fidiyey gobollada Bari (Sool iyo Buuhoodle)…” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Siilaanyo call peace
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Siilaanyo call peace
Come on siiland dont give up , its only starting 

- Coeus
- SomaliNet Super
- Posts: 11709
- Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
- Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region
Re: Siilaanyo call peace
Siilanyo could have called for peace in the beggining. But he attacked them. I dont trust anything he says. The people in buhoodle can decide for themselves inshallah 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 23 Replies
- 1694 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 38 Replies
- 2643 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 24 Replies
- 1924 Views
-
Last post by Pwani
-
- 2 Replies
- 478 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 1 Replies
- 463 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 2 Replies
- 502 Views
-
Last post by Ismail87
-
- 0 Replies
- 349 Views
-
Last post by Daanyeer