TFG & Sade Xamar Community celebrate crowning of Ugaas- PICS

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

TFG & Sade Xamar Community celebrate crowning of Ugaas- PICS

Post by XimanJaale »

Xaflad lagu taageerayay caleema saarka Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo maanta Muqdisho ka dhacday
Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay caleema saarka Ugaaska Beesha Sade Daarood (Mareexaan) Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ay ka qeyb galeen in ka badan 100-ruux oo isugu jiray Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano, Salaadiin, Ugaasyo, Qeybaha bulshada sida Haweenka ayaa si diiran lagu soo dhoweeyay.

Ugu horeyn Xaflada ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Salaadiin, Ugaasyo, iyo Boqoro ku hadlayay Shanta Beelood ee Soomaaliyed, iyagoo taageeray Ugaaska Beesha Sade ay caleema saartay oo ah Ugaas ilaa 22-fac ka soo jeeda Saldanada Beesha Sade.



Sidoo kale waxaa Xaflada laga soo jeediyay taariikhda Saldanada Beesha Sade Daarood heerarkii ay soo martay, waxaana inta ay Xaflada socotay Khadka Taleefanka kaga qeyb qaaday Ugaasyo, Salaadiin iyo Isimo ku sugnaa Gobolka Waqooyi Bari Kenya Magaalada Gaarisa, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Magaalada Jig-Jiga, Degmada Caabudwaaq Gobolka Galgaduud iyo deegaanka Dharoor ee Gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay ayaa munaasabada ka soo jeediyay hadalo soo dhoweyn iyo hambalyo isugu jiray, iyagoo u rajeeyay Ugaaska inuu howshiisa Alle kula garab galo, isla markaana uu ka qeyb qaato sidii uu isu keeni lahaa dadka Soomaaliyed.



Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cabdinuur Cilmi Maxamuud oo ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu taageerayo Ugaaska Beesha Sade, isagoo tilmaamay in Maamulka Khaatumo oo ka kooban Gobolada Sool, sanaag iyo Ceyn ay Isimada iyo duqowda dhaqanka uga dambeeyaan talooyinka dadka.

Wasiirka Maaliyada iyo Lacagta C/naasir Maxamed Cabdulle (Garjeex) oo isna ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in duubabka dhaqanka ay yihiin kuwo u dhaxeeya Dowladda iyo shacabka, isagoo xusay inay taageerayaan Ugaaska cusub, ayna la shaqeyn doonaan.



“Way ka go’an tahay inay la shaqeyso umada soomaaliyed oo ay hogaaminayaan duubabka beelaha kala duwan, mana filayo inaan meel gaari karo inaba hala ekaato la’aantooda”ayuu yiri Wasiirka Maaliyada oo sheegay in Duubabka ay yihiin kuwo beelood balse aanay duubab qaran aheyn, isagoo xusay inay ka rajeynayaan in Ugaaska ka qeyb qaato sidii Umada Soomaaliyed isu keeni lahaa.



Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise oo ka hadlay munaasabada ayaa u rajeeyay Ugaaska Beesha Sade inuu alle kula garab galo howsha adag ee loo igmaday, isagoo xusay inay saaran tahay mas’uuliyad weyn.

“Waxaan u rajeynaynaa inuu Alle la garab galo, kii Soomaali oo dhan isku xiri lahaa isuna keeni lahaa,, Dowladda waxaa ka go’an inay la shaqeyno Ugaasyada, salaadiinta iyo boqorada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo intaa ku daray in Dowladda ay kala tashaneyso Ugaasyada, madaxda dhaqanka sidii Maamulo loogu magacaabi lahaa deegaanada la xoreeyo.

Xuseen Carab Ciise ayaa ugu hambalyeeyay Ugaaska inuu noqdo kii u hiilin lahaa Nabada iyo baadigoobka shacabka Soomaaliyed, isagoo ka codsaday in Dowladda KMG ka caawiyaan sidii deegaanada la qabto nabad, kala dambeyn iyo maamul looga hirgelin lahaa.

Munaasabadan Caleema saarka oo aheyd mid si heer sare ah u dhacday ayaa dhamaan xubnihii ka qeyb galay ay ku taageereen Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo dhowaan la caleema saaray.
http://www.jowhar.com/?p=577

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

http://www.boocameonline.com/wp-content ... /02/72.jpg

http://www.boocameonline.com/wp-content ... /02/53.jpg

http://www.boocameonline.com/wp-content ... 2/02/9.jpg

http://www.boocameonline.com/wp-content ... 02/was.jpg
User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Re: TFG & Sade Xamar Community celebrate crowning of Ugaas-

Post by Adali »

brother there is a Banadir section in use now, i think it would be more appropriate to post this news there. BTW welcome back brother you have surely been missed.
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: TFG & Sade Xamar Community celebrate crowning of Ugaas-

Post by Voltage »

I can understand the present Defense Minister Hussein Arab (Isaaq/Garxajis/Ciidagalle) being prominent in the celebration, but why is former Defense Minister Cabdalle Boos (Isaaq/Garxajis/Habar Yonis) sitting up there as well and speaking? Are they testifying to the historical nature of the Sade Ugaas-ship? :lol:
User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Re: TFG & Sade Xamar Community celebrate crowning of Ugaas-

Post by Adali »

Voltage wrote:I can understand the present Defense Minister Hussein Arab (Isaaq/Garxajis/Ciidagalle) being prominent in the celebration, but why is former Defense Minister Cabdalle Boos (Isaaq/Garxajis/Habar Yonis) sitting up there as well and speaking? Are they testifying to the historical nature of the Sade Ugaas-ship? :lol:
Isaaq are cultured people, why shouldn't they acknowledge the Ugaaship that has lasted for more than 10 generation. Isaaq, Dhullos, Ogaden iyo rag kale are amongst the most cultured Somalis. :up:
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: TFG & Sade Xamar Community celebrate crowning of Ugaas-

Post by siren »

Congrats to the new Ugaas, he's a family friend iyo Qaraabo. :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”