

GAROWE : 600 oo Guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Garoowe
March 10, 2012 10:27 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor
Garoowe:-Maamulka gobolka iyo kan Degmada ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Nugaal waxayna kala hadleen in la helo dhul Barakacyaasha looga dhiso guryo gaaraya 600.
Maamulka gobolka, ayaa Odayaasha waxay ku wargasheen in loo baahan yahay in la helo dhul, maadaama dhulkii oo dhan ay dad haystaan, sidaasdarteed meeshii ay iyaku u arkaan in ay munaasib tahay in laga dhiso guryahan aan la sheegan oo iyaku dadka iska leh ay ku qanciyaan in ay ka tanaasulaan.
Odayaasha iyo Waxgaradka aad u badnaa ee gobolka Nugaal ayaa aad u soo dhaweeyay in dhul la helo, waxayna ballan qaadeen in ay gacan ka gaysanayaan sidii dhul loo heli lahaa.
Dhismaha guryahan oo ay maalgalinayso hay’adda World Vision ayaa haddii uu ka hirgalo magaalada Garoowe waxay ku soo kordhinayaan horumar, bilic iyo baaxadda magaalada oo waynaata.
Horay ayaa magaaladan waxaa looga hirgashay 3 qaybood oo ku yaalay hareeraha magaalada xiligaas, iyadoo iminka ay ku yaalaan baramaha magaalada, waxaana dhaqaalaha ku baxshy guryaha ku deeqay Dawlada Japan.
Puntlandpost.com