Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda KMG ah, kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo
Isniin, Maarso 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal maanta ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab deegaan lagu magacaabo Taraaka oo 55-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya billaabashada dagaalkan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu billowday dagaalka markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya halka wararka kalena ay sheegayaan in dagaalku uu billowday markii ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay weerareen deegaanka uu dagaalku ka dhacay.
Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba wuxuu guul ka sheegtay dagaalka iyadoo saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay weerarka iyagu qaadeen ayna qabsadeen deegaanka Taraaka, sidoo kalena ay dileen shan ka mid ah xoogagga Al-shabaab hubkoodiina ay ka qaateen.
Sidoo kale, saraakiil u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inuu ku billowday dagaalka markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya oo howlgallo kawaday inta u dhexeysa Faafax-dhuun iyo Baardheere.
Xubnaha u hadlay Al-shabab ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 10-askari oo ka tirsan kuwa Kenya ayna ku gubeen laba gaari oo ciidamada Kenya ay leeyihiin, balse ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dalka Kenya.
Deegaankii uu dagaalku ka dhacay ayaa weli waxaa ka taagan xiisado dagaal, iyadoo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamadii Kenya ay ku sugan yihiin goobihii ay ku dagaalameen lamana oga cidda rasmi ahaan gacanta ku haysa deegaankaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda KMG ah, kuwa Kenya iyo Xa
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- FarhanYare
- SomaliNet Super

- Posts: 19081
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 485 Views
-
Last post by Individual
-
- 3 Replies
- 532 Views
-
Last post by COSTA
-
- 2 Replies
- 541 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 721 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 692 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 12 Replies
- 1315 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 2 Replies
- 791 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 485 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 7 Replies
- 531 Views
-
Last post by grandpakhalif