Lower Jubba University opened in Kismaayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Lower Jubba University opened in Kismaayo

Post by Adali »

Jaamacad Cusub oo lagu magacaabo Lower Jubba University oo laga furay Kismaayo
admin | Mar 15, 2012 | 1 comment

Waxaa magaalada Kismaayo markii ugu horeeysay laga hirgeliyay jaamacad lagu baran doono culuumta la xiriirta caafimaadkaa oo lagu magacaabo Lower Jubba University.

Jaamacaddan ayaa furitaankeeda waxa gacan weyn ka geystay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolka islamarkaasina ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyadoona jaamacadani ay wax ku baran doonaan ardeyda Jecel in ay ku taqasusaan culuumta dhanka caafimaadka.

Jaamacadda Lower Jubba ayaa waxa ay ka koobantahay kuliyadaha kala ah: kuliyadda Kaalkaalinima (Nurse), Farsamada Sheybaarka (Lab Technician) iyo kuliyad lagu baran doono umulisonimada (Midwifery).

Furitaanka jaamcadda ayaa waxa siweyn usoo dhaweeyay ardayda ka baxday dugsiyada sare ee ku dhaqan magaalada Kismaayo islamarkaasina daneeya culuumta dhanka caafimaadka.

Sidoo kale jaamacadda ayaa waxa lagu baran doonaa Daraasaadka Islaamka, Waxbarashada, Qeybta machadka Jaamacadda ee diyaarinta ardayda ay mar hore ugu danbeeysay waxbarashada.

Siraaje Aadan Max’ed oo kamid ah madaxda Jaamacadda ayaa HOL u sheegay in Jaamacadda ay noqoneyso tii ugu horeysay oo dhanka Caafimaadka ah oo laga hirgeliyo Jubooyinka, isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay dadkii dadaalka ku bixiyay furitaanka Jaamacadda Lower Jubba University.

Jaamacaddani ayaa waxay noqoneysaa tii labaad ee laga furo magaalada Kismaayo, iyadoona ay magaalada hore uga jirtay Jaamacadda Kismaayo University, waxaana tallaabadani ay noqoeysaa mid dhiirigelisa ardeyda ka qalinjebisay dugsiyada sare ee jecel in ay sii wataan waxbarashadooda.

Source.HOL
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”