Shabab Baladxawo Security cheif in TFG hands in Mogadishu
Posted: Sun Mar 18, 2012 1:44 am
Sarkaal ka tirsan Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada dowladda
Taliska Nabadsugida qaranka ayaa ku soo bandhigay Xarunta Madaxtooyada Sarkaal ka soo goostay Shabaab, kaasoo maalin ka hor isku soo dhiibay Ciidamada AMISOM ee ku sugan aaga Maslax
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xudeyfi Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu ka soo jeedo Soomaalida Itoobiya, isla markaana Shabaab la soo shaqeynayay muddo afar sano ah, isagoo xusay inuu horay uga soo howl galay Gobolo badan.
Waxaa uu sheegay inuu degmada Beledxaawo uu ugu qaabilsanaa dhanka Amniyaadka, isla markaana mar dambe laga soo bedelay, isagoo tilmaamay in markii dambe dagaalada Al-Shabaab ka wadeen Gobolada dalka ka qeyb qaatay.
Ninkan ayaa ka sheekeeyay noloshii uu ku jiray intii uu ka tirsanaa Shabaab, waxaana uu xusay in aanu wax xiriir ah la yeelan jirin eheladiisa, waxaa uu tibaaxay in mar lagu qanciyay inuu is qarxiyo, hase ahaatee ruux kale uu bedelkiisa galay markii uu codsaday.
Xudeyfi ayaa sheegay in Al-Shabaab looga naaneysi jiray Abuu Muscab, taasoo uu xusay inay u baxday markii uu kula dagaalamay Ahlusuna deegaanada Gobolada Galgaduud.
Waxaa uu weydiistay cafis Umada Soomaaliyed iyo dadkii uu qaladka ka galay, waxaana uu cadeeyay inuu u soo joogay dhib kasta oo Al-Shabaab shacabka kula kacayeen.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wax uusan ka aaminsaneyn AMISOM uu ku arkay, isagoo xusay in si wanaagsan u soo dhoweeyeen, isla markaana dhaqan aan horay uga baran uu ku arkay, waxaana uu intaa ku daray inuu arkay qaar ka tirsan Askarta oo Muslimiin ah.