major Alshabab leader defects from ALshabab and surrenders

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

major Alshabab leader defects from ALshabab and surrenders

Post by Adali »

Hogaamiye ka tirsana Al-Shabaab kana soo jeeda gobolka Gedo oo Dowlada isku soo dhibay
admin | Mar 18, 2012 | 0 comments

Sheekh Xudeyfi Maxamed Xasan “Abuu Muscab” oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu iskaga soo goystay Xarakada Al Shabaab oo dagaalo culus kula jirta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Sheekh Xudeyfa Maxamed Xasan ayaa wuxuu isku soo dhiibay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, wuxuuna Xarakada Al Shabaab uu ku eedeeyay mid dhibaato baahsan ku heysa Shacabka Somaliyeed.

Ciidamadda Nabad Suggida ee Dowladda Soomaaliya oo uu isku soo dhiibay Sheekh Xudeyfa, ayaa waxay ku soo bandhigeyn Madaxtooyada Soomaaliya, isla-markaana waxaa ka soo qeyb-gallay soo bandhigidiisa Saraakiisha Dowladda.

Sheekh Xudeyfa Maxamed Xasan ayaa wuxuu Deegaan ahaan uu ka soo jeedaa Deegaanada Soomaali Galbeed, wuxuuna degnaa intii badneyd Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo oo u qaabilsanaa Ciidamadda Amniyaadka ee Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in uu khalad iyo dambiba uu ka gallay Ummada Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay iska cafiyaan, isla-markaana wuxuu balan qaaday inuusan dib dambe uga mid noqon doonin Saraakiisha Al Shabaab.

Sidoo kale Ciidamadda Amisom iyo Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu ka aaminsanaa ra’yi khaldan, laakiin wuxuu sheegay inaysan noqon sidii uu u maleynaayay, isla-markaana wuxuu soo dhaweeyay inay cafis u fidiso Dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in Sheekh Xudeyfa Maxamed Xasan, uu ku biiray Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo uu sheegay inay diyaar u yahay inuu la-shaqeeyo.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: major Alshabab leader defects from ALshabab and surrende

Post by FBISOMALIA »

Abuu Muscab” surrender to TFG if its true it will be the big blow to alshabab
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: major Alshabab leader defects from ALshabab and surrende

Post by The_Patriot »

So he is one of the Sade leaders to go Awol Seems like Fillow dude will follow his ina adheer.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: major Alshabab leader defects from ALshabab and surrende

Post by grandpakhalif »

Manshallah Abu muscab has joined the light.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”