Peace Conference in Liibaan Region, Kilinka 5aad begins

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Peace Conference in Liibaan Region, Kilinka 5aad begins

Post by XimanJaale »

Jigjiga(Kilil5)---Wararka aanu kahelayno gobolka Liibaan ayaa sheegaya
inuu kadhicidoono gobolkaas shir balaadhan oo lagu nabadaynaayo sadexdii
beelood ee baryahanba kudagaalan sanaa qaybo kamida gobolkan waa
beelaha, Dagoodi, Garre iyo Mareexaan oo isku haystay dhul iyo degmooyin
katirsan gobolkaas. Beelahan ayaa sida ay dadbadani lasocdaan ay
soojiitantay colaadoodu kuwaas oo iska dilay dad kudhaw 100 qof.
Xukuumada deegaanka ayaa dhawaan isugu yeedhay madaxda, masuuliyiinta,
odayaasha iyo waxgaradka beelahan kuwaas oo lagu wadahadashiiyay
magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka go’aamadii kasoobaxayna lagu
amray inay dib ugulalaabtaan deegaankii iyo goobihii ay colaaduhu
kataagnaayeen.

Hadaba masuuliyiintii iyo xubnihii looxilsaaray nabadaynta beelahan oo
tan iyo intii kalaabteen caasimada deegaanka kujiray wadahadalo ay
layeelanayaan beelahan kaladuwan iyagoo si gooni gooni ah ulakulmaayay
ayaa haatan sooqaban-qaabiyay shir balaadhan oo kadhicidoona magaalada
Nagayle halkaas oo ay isugu imanayaan dhamaan odayaasha, masuuliyiinta
iyo waxgaradka matalaaya beelahan si ay kalasaxeexdaan heshiis. Dadka
siyaasada deegaanka kafaalooda ayaa sheegaya inkastoo ay
kufaraxsanyihiin dadaalada socda ee lagu nabadaynaayo beelahan iyo
bulshadan walaalaha ah isla markaana wada degta ama dariska ah ayaa
hadana waxay tilmaamayaan inay jiraan goldaloolooyin carqaladaynkara ama
wax udhimikara in lahelo nabadgalyo waarta taas oo ay horseed katahay
xukuumada deegaanka, kuwaas oo ay kamidyihiin degmooyinkii cusbaa ee
gobolkaas oo aan la isku dheelitirin iyo sidookale khasaarihii
balaadhnaa ee sookalagaadhay beelahan sida dadkii kudhintay dagaalada
iyo hantidii lakala qaaday oo sida aanuwarka kuhelnay lago’aamiyay in
halkaas lagu ilaabo halka ay fiicnaanlahayd in mag lakalaqaato, wixii
hanti ah ee lakalaqaadayna dib la isuguceliyo.

Sikastaba ha ahaatee waxaan Ilaahay uga baryaynaa in bulshadan ay
aafeeyeen dagaalada sokeeye ay helaan nabadgalyo waarta, iyaga iyo
beelaha kale ee kudhibaataysan gudaha deegaankaba.

Cabdi Shukri (Xarago)
Jigjiga, Kilil5 Online
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”