113 arday oo tababar xirfadaha ah Qardho loogu soo gaba gabe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
garoweboy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8248
Joined: Sun Nov 22, 2009 9:05 pm
Location: Puntland, #GGMU

113 arday oo tababar xirfadaha ah Qardho loogu soo gaba gabe

Post by garoweboy »

Hay’adda DRC ayaa maagaalada Qardho tababar xirfadaha ah ugu soo gaba gabaysey 113-arday oo laga soo xulay barakacayaasha iyo bulshada qaybaheeda danyarta ah.

Tababarkan oo ahaa labo weji ayaa waxaa ardaydii ka qayb qaatay lagu baray xirfado ay kamid yihiin Dawaarka, Naqshadeynta dharka (Kariska), Farayaamada iyo dayactirka Moobilada.

Munaasabadii tababarkaas lagu soo xirayey ayaa ka dhacday xarunta hay’adda DRC ee magaalada Qardho waxaana kasoo qayb galay maamulka degmada iyo mas’uuliyiin ka tirsan DRC.

Ugu horeyn waxaa madashaas ka hadlay Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan oo ah madaxa mashaariicda kaabidda nolosha ee DRC, wuxuuna ka warbixiyey ujeedadii laga lahaa tababarkan iyo faa’iidooyinka ay filayaan in mustaqbalka dhow ay kasoo baxaan.

Cabdiraxmaan Xaaji ayaa sheegay in DRC ay ka go’an tahay inay taageerto bulshada qaybahooda barakacayaasha ah iyo kuwa kale ee danyarta ah si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan noloshoodana ku maareeyaan.

Hibo Abshir Xuseen oo iyaduna ka tirsan DRC ayaa sheegtay in ardaydan wax la baray ay hay’addu noloshooda lasii socon doonto si loo ogaado qaabkii ay uga mira dhaliyeen aqoontii la siiyey. Hibo waxa kale oo ay xustay in DRC ay qorshaha dhow ugu jirto sidii ardaydan loo siin lahaa lacago deyn ah si ay ugu shaqeystaan noloshoodana ugu dhistaan.

Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid (Hogaam la-roor) oo isna kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadaas kasoo qayb galay ayaa u mahad celiyey DRC, wuxuuna tilmaamay in DRC ay tahay tan ugu shaqada iyo waxqabadka badan hay’adaha ka shaqeeya magaalada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaar.

Duqu waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata xusay in loo baahan yahay hay’adaha kale ee Puntland ka shaqeeyaa inay ku daydaan DRC islamarkaana ay diiradda saaraan wax u qabashada bulshada qaybahooda tabaaleysan ee barakcayaasha iyo danyarta u badan.

Ugu daynbeyntii waxaa hadalka qadatay Isu-duwaha wasaaradda haweenka ee gobolka Karkaar Sahra Siciid Jaqanaf, waxayna ku dheeraatay ka hadalka sida ay lagama maarmaan u tahay in daryeel bini aadmino oo fiican la siiyo bulshada gaar ahaan kuwa nugul oo u baahan in dhinaca nolosha laga kaabo.

Ardaydan oo ay tiradoodu 113-qof ahayd waxaa la baray xirfado kala duwan waxayna wax soo baranayeen mudo 6-bilood ah, tababarnkan waxaa fulisey hay’adda DRC oo taageero dhaqaale ka heleysa hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.


Image
Image
Image
Image
Image
[imghttp://mxcdn.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/03/DRC_QARDHO.-28.jpg][/img]
Image
Image
Image
Image
Image
Image




Good job Reer Qardho.
User avatar
maryandagan
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 268
Joined: Wed Mar 09, 2011 3:44 am

Re: 113 arday oo tababar xirfadaha ah Qardho loogu soo gaba

Post by maryandagan »

:up:
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: 113 arday oo tababar xirfadaha ah Qardho loogu soo gaba

Post by quark »

:up:
User avatar
Awe
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Wed Jun 04, 2008 11:50 am

Re: 113 arday oo tababar xirfadaha ah Qardho loogu soo gaba

Post by Awe »

Mashallah, the people there look like they're living well you can just tell from their faces. :som: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”