Police station in Beledweyne has been reopened

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Happy Desperado
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 657
Joined: Tue Jun 06, 2006 8:31 am
Location: at the horn of the motherland

Police station in Beledweyne has been reopened

Post by Happy Desperado »

Image

Image


Axad, Abriil, 01, 2012 (HOL) – Saldhiga baliiska magaalada Beledweyne oo mudo ka badan labo sano aan shaqeyn ayaa maanta waxaa si rasmi ah xariga uga jiray maamulka gobollka Hiiraan.

C/fitaax Xassan Afrax oo ka hadllay munaasabada dib loogu howlgalinayay saldhiga ayaa sheegay in furitaanka saldhiga baliiska uu astaan u yahay dib u soo celinta nabad-galyada, isaga oo sheegay in bulshada ku dhaqan magaalada looga baahan yahay in ay wada shaqeyn buuxda la yeeshaan ciidamada ka shaqeynaya nabad-galyada.

‘’Sida aad ka warqabtaan saldhiga baliiska waa halka laga xaqiijiyo nabad-galyada, haddii uusan saldhigu shaqeyn micnuhu waxaa uu noqonayaa nabad-galyo ma jirto, sidaa daraadeed talaabada ugu horeysa ee uu maamulku ku dhaqaaqyo waa in amaanka laga shaqeeyo,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in saldhig kaliya uusan ku filneyn magaalada, isaga oo intaa raaciyay in maamulka qorsheynayo sidii saldhigyo kale laga hergali lahaa xaafadaha kale si loo daboolo baahida dadka ee la xiriirta nabad-galyada.

Sidoo kale waxaa isagana warbaahinta kula hadllay gudaha saldhiga baliiska Beledweyne Gen Mukhtaar Xuseen Afrax oo sheegay in tan iyo markii ay soo gaareen xubnaha maamulka gobollka magaalada Beledweyne lagu howlanaa sidii dib loogu soo celin lahaa waaxyihii nabad-galyada oo uu ka mid yahay saldhiga baliiska, isaga oo shacab-ka kula dardaarmay in wixii hadda ka danbeeya la soo xiriiraan saldhiga.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo soo hadal qaaday intii ay soctay munaasabada eedeyntii hay’adda Human Rights Wacth ee aheyd in falal ka dhan ah xuquuqda Aadaha lagula kaco dadka shacab-ka ah ee ku dhaqan magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in eedeyntaasi tahay mid meel cidlo ah oo aan boos heysan.
‘’Waad og-tihiin ka hor inta aysan magaalada la wareegin ciidamada la eedeynayo wixii ka dhacay, dad ayaa inta la dillay meydkooda ceel lagu guray, gabdho yar yar oo aan khaan-gaarin ayaa kufsi iyo dil leysugu darray, maalin kaliya ayaa 80 ruux oo shacab iyo mas’uuliyiin leh la dillay, waxaas oo idil magaaladan Beledweyne ayeey ka dhaceen, maxey uga hadlli weysay Human Rights Wacth, sidaa daraadeed waxaa u aragnaa in ay tahay warbixin aan xaqiiqda ku saleysneyn,’’ ayuu yiri,’’ Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo tan iyo markii uu maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka uu soo gaaray magaalada isha ku hayay, ayaa siweyn u soo dhaweeyay dib u howlgalinta saldhiga baliiska magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Hiiraan”