Madaxweyne Siilaanyo, Wasiir Samaale iyo Muuse Biixi oo isku khilaafay qabsoomida Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye
Qasriga Madaxtooyadda ayaa la sheegay in xalay lagu lafa gurayay sidii Muuse Biixi talada Shirka loogu faragalin
Wararka Hordhaca ah ee laga helayo qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee qabsoomi doona 14-ka bishan ayaa sheegay in Qasriga Madaxtooyadda uu xalay ka curtay khilaaf hor leh oo ku saabsan qaabka Shirkaasi u dhacayo iyo Ergooyinka ka soo qayb gali doona.
sida Ilo u dhuun daloola khilaafkani Waaheen u sheegeen waxa uu ka bilaabmay Qorshe uu Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku doonayo inuu Wasiira C/casiis Samaale kaga saaro Golaha Dhexe ee Xisbigaasi, kaasoo la sheegay inuu ku andacoonay Xubinmada Samaale ee Golaha Dhexe inay ahayd intii uu Xildhibaanka ahaa, maadama xubnaha Baarlamaanka kaga jira Xisbiga Kulmiye ay saami Golanimo ku heleen kuraasta Golaha Dhexe isla markaana uu Samaale ka baxay Xildhibaanimadii oo uu noqday Wasiir taasoo uu ku doodayo Wasiiradau inaanay Kuraas ku lahayn Golaha maadaama la dhisay Golaha Dhexe ka hor intaanu Xisbigu ku guulaysan talada Dalka.
talaabadan Muuse Biixi qaaday ayaa la sheegay inay ka cadhaysiisay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Samaale oo ah laba siyaasi oo aad iskugu dhaw, waxaanay bilaabeen qorshe ay kaga jawaabayaan talaabada Muuse Biixi taasoo ah inay ka qaadaan xilka guddoomiyanimo ee Xisbiga maadaama uu isagu bilaabay khilaafka Kursigiisa oo ay indhaha ka qarsanayeen inay kula Loolamaan Shirka Golaha Dhexe ee ay hawshiisu socoto.
Qasriga Madaxtooyadda ayaa la sheegay in xalay lagu lafa gurayay sidii Muuse Biixi talada Shirka loogu faragalin lahaa maadaama oo uu cadaystay dagaal markii hore sii hoose u socday, balse lama oga go’aanka kama danbaysta ah ee ka soo baxay kulankaasi.
http://gabiley.net/pages/tDetails.php?s ... audioFile=
Muuse Biixi oo la rabo ina xilka gudoomiyenimo laga qaado.
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Muuse Biixi oo la rabo ina xilka gudoomiyenimo laga qaad
Samaale is just angry he is now a minister and he cant run for the candidate for presidential elections 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 799 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 2 Replies
- 400 Views
-
Last post by COOL-MAN
-
- 13 Replies
- 1231 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 0 Replies
- 364 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by watchman
-
- 20 Replies
- 822 Views
-
Last post by abdi ilyas
-
- 8 Replies
- 681 Views
-
Last post by original dervish
-
- 66 Replies
- 3401 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 19 Replies
- 3220 Views
-
Last post by original dervish
-
- 37 Replies
- 6521 Views
-
Last post by The_Emperior5