SNM veteran and POET UNDER ARREST

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Rightwing »

Dawladani iyadaaba is burburinaysa ma is tidhi?

Ciidamada Booliska Gabiley oo Xabsiga Dhigay Abwaan ka mid ah Mujaahidiintii SNM oo Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo.

Ma jiro Waaran Qabasho ah oo Abwaanka loo keenay Balse Ciidanku Waxa uu Xoog ku soo qabtay Abwaan Haybe Faarax Nuur

Hargeysa (GNS)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ah Abwaan Reer Somaliland ah oo ku dhaqan Magaalada Gabiley kana mid ahaa Mujaahidiintii Ururkii SNM
Mujaahid Haybe oo Waraysi siiyay Wargeyska Caalami Cadadkiisii Jimcihii ayaa Madaxwayne Siilaanyo ku Dhaliilay Hogaamintiisa Siyaasiga ah tan iyo wakhtigii uu ahaa Gudoomiyaha ururka SNM oo uu Sheegay inuu ku Dhaqmi jiray Cadaalad Darro, Eex iyo Qabiilaysi.
Goobjooge ku Dhawaa goobta lagu Qabtay Awbaanka ayaa Sheegay in Ciidan Tiro badan la dulgeeyay Abwaanka islmarkaana Gaadhi Qufulan lagu soo qaaday haddana uu ku Xidhanyahay Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Gabiley.

Ma jiro Waaran Qabasho ah oo Abwaanka loo keenay Balse Ciidanku Waxa uu Xoog ku soo qabtay Abwaan Haybe Faarax Nuur oo aan la Garanayn Ujeedada ka Danbaysa Xadhigiisa,balse lala xidhiidhinayo Qabashadiisa Waraysi uu Siiyay Wargeyska Caalami oo ku sheegay Dhawr Gabay oo ku Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo

Abwaan Haybe Faarax Nuur waxa uu tiriyay Maansooyin badan oo Ku Dhaliilayo Hogaaminta Axmed Siilaanyo taasi oo ku Sheegayo in aanu ahayn Madaxwayne Cadaaliya Waxaa ka mid ah Maansooyinka Abwaanku Tiriyay Ereyadan
“Ninka Dawlad meeraran,Daadihi la yidhoow, dayacdoo xilkaagii, hawshii laguu diray dusheedaad ku gama’adoo, Daa,uus sidaad tahay waad isdaawanaysee,dadkii kugu khasaaryoo, dabadhoonka maqashiyo Ma Xirsaa ku Daafici,mise waad iskaga degi doqoniimo qaadee”

Abwaankan ayaa ka mid noqonaya Masuulkii labaad ee loo Xidho Dhaliisha Madaxwayne siilaanyo isaga oo hore Xabsiga ugu jiray Boqor Cismaan Buur madaw.

Aafadu siday noo heshuu ololku noo taabtay

Amadkiyo hadhuudhkii ma Baxo aawanaan jiray

Ayax bahal ka daran baa illaa oodihii cunaye

Ilihii dhaqaaluhu lahaa la iska wada awdye

Aroos loo ciyaaroo ma jiro loo Odorosaaye

Eridhabanka geel kuma dhalaan aradadeeniiye

Ido soo isaarixinayana ma arki doontaanaa

Ummadii inkaar lagu Ridaa Ma ashahaataane

Waa laga Afgodayaa ninkaad ubaxa Saarteene

Arinkeeda Somaliland waa Allaw sahale

Waa taad illaahay dartii udub ku diideene

Waa taad albaabada jannada orod ku dhaafteene

Waa taad arad barwaaqa ah dagteen kana abqaasheene

Waa taad inkaar iyo tagteen meel ibtilo taale

Waa taad abbaa ood ka dhaw ereyga diideene

Abtirsiimo waa taad gasheen odayna Sheegteene

Waa taad Codkii Aafadii ahaa nagu Asqayseene

Waa Taad Aqoonsiga Xorta ah nagaga oydeene

Al baqraynu joognee haddaad alif maraysaane

Inaad ilmada hoorisaan waa ayaan xumo’e

Abaalkiinu waa inaad sidaa ku Istareexdaane

Abshir dhaha Ammaan Xumadu waa aragtidiiniiye”
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: SNM veteran and POEM UNDER ARREST

Post by Khalid Ali »

Why is he mucaraadiin Mujahid Axmed Maxammadu Siilaanyo ilaahay raali haka noqdo eeh
Jeelka dhiga qof maanta gabay iyo waxaas soo tiriya looma baahna only Gabay Amaan For Xukuumada :sland: :up:

God bless President Siilaanyo
User avatar
Eaglehawk
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3557
Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
Location: God, Clan and Country
Contact:

Re: SNM veteran and POEM UNDER ARREST

Post by Eaglehawk »

rightwing wa cajib he thinks if he criticizes siilanyo goverment then people won`t accuse him of supporting his uncle
:lol: :lol: :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Rightwing »

:lol: :lol: Dhabankiyo gacmuhu maysku kay dhegeen
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: SNM veteran and POEM UNDER ARREST

Post by Rightwing »

khalid ali wrote:Why is he mucaraadiin Mujahid Axmed Maxammadu Siilaanyo ilaahay raali haka noqdo eeh
Jeelka dhiga qof maanta gabay iyo waxaas soo tiriya looma baahna only Gabay Amaan For Xukuumada :sland: :up:

God bless President Siilaanyo

Ma waxaa la gaadhay markaad guulwadayn jirtay?
User avatar
Daff
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2983
Joined: Wed Nov 09, 2011 2:25 am
Location: Xaga aad Ujeedaa Mala waa Xidigaheee Ninka Xoolo kaa dhacay Ka dacwee Xafiisyada

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Daff »

Reer Somaliland waad salamantihiin.

Don't you have the right to free speech in Somaliland? ppl should have the right to critizise their leaders.
Mise sheekada waa kud ka guur or qanjo u dag :lol: sidii MSB kii hadlaba jeelka dhig.

Let ppl speak and say what is on their mind, eventually they will lose intrest
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Rightwing »

DafIyoMiriq wrote:Reer Somaliland waad salamantihiin.

It sound kud ka guur oo qanjo u guur :lol:
User avatar
Daff
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2983
Joined: Wed Nov 09, 2011 2:25 am
Location: Xaga aad Ujeedaa Mala waa Xidigaheee Ninka Xoolo kaa dhacay Ka dacwee Xafiisyada

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Daff »

Rightwing wrote:

No its kud ka guur qanjo u dag :lol: :up: That is how we say it, and it makes sense.
Qofka markuu guuro soo meel ma dago.

Yours is like geedi forever :lol: kud ka guur qajo u guur. guuritaan lee maa lagu jiraa :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Rightwing »

DafIyoMiriq

Gartay, xagayaga waa "KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR" Waase isla sidii. Meeshii hargeisa hadaad hadasho mandheera ayaa lasy taxaabayaa :lol:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Somalistan »

Rightwing wrote::lol: :lol: Dhabankiyo gacmuhu maysku kay dhegeen

ahahah wallahi me too. This Kulmiye govt has stomped on civil liberties more than any other government we have had. Naxnu fajacnaa waa nax naxnaa :-O
User avatar
Daff
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2983
Joined: Wed Nov 09, 2011 2:25 am
Location: Xaga aad Ujeedaa Mala waa Xidigaheee Ninka Xoolo kaa dhacay Ka dacwee Xafiisyada

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Daff »

Well its shame, if it means spending the night in mandhera prison. I hope there is no water boarding etc :lol:

KUD KA GUUR QANJO U DAG :up: :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Rightwing »

Somalistan wrote:
Rightwing wrote::lol: :lol: Dhabankiyo gacmuhu maysku kay dhegeen

ahahah wallahi me too. This Kulmiye govt has stomped on civil liberties more than any other government we have had. Naxnu fajacnaa waa nax naxnaa :-O
Ma maqli jirtay Bisadaa ugu abaal xun? Kulmiye bisadna ka xun.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Rightwing »

Daf iyo midhiq

SXB, MSB i qarso ayuu noqday camparing to silanyo gov.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by grandpakhalif »

Waxaan wa gardaro, this national hero to (somaliland) should be living comfortably not in a cell.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: SNM veteran and POET UNDER ARREST

Post by Rightwing »

grandpakhalif wrote:Waxaan wa gardaro, this national hero to (somaliland) should be living comfortably not in a cell.

Waar sheikh Khalif beryahan kumaan aragee xaguu jahaadkii kuu marayaa?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”