A monument is being erected in Beledweyne in honour of

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

A monument is being erected in Beledweyne in honour of

Post by TheblueNwhite »

the Somalis who were massacred on June 18, 2009 suicide attack.
AUN to the dead.

Image

Taallo loo dhisayo dadkii ku dhintay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Beledweyne ka dhacay 18, Jun, 2009
Sabti, Abriil 28, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta dhagax –dhigay taalo sida ay ka dhawaajiyeen lagu xasuusan doono Dadkii ku geeriyooday weerarkii Ismiidaamin ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne 18-Jun- sanadkii 2009, kaasoo dadkii ku dhintay ay ka mid ahaayeen wasiirrkii Amniga Qaranka Cumar Xaanshi Aadan iyo waliba safiirkii dowladda Soomaaliya watigaa u fadhiyay Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo ka hor hadllay goobta la dhagax dhigay oo aheyd meel aan ka fogeyn halkii uu qaraxu ka dhacay ee Hotelka Madiina, ayaa sheegay in talaadan lagu xasuusan doono sida uu hadalka u dhigay mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku geeriyooday weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa.

"Taaladan ama dhagaxan waxaa uu noqon doonaan mid shacab-ka reer Hiiraan dhamaantood ku xasuustaan wixii ka dhacay 18-Jun,2009 Ilinka hore ee Hotelka Madiina, waxaa maalintaa naga baxay shaqsiyaad nagu weynaa, sidaa daraadeed waxaa halkan ku xiri doonaa Nal aan dami doonin habeen iyo maalin,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax.

Isla goobta ayaa waxaa ka hadllay Gen Mukhtaar Xusseen Afrax oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Baliiska dowladda KMG, islamarkaana howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in marnaba ka go’i doonin dadkii ku dhintay weerarkaas Ismiidaaminta ahaa.

Axmed Cismaan Inji oo hadda ah guddoomiye ku-xigeenka nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan oo ka mid ahaa dadkii maalintii ku dhaawacmay weerarka Ismiidaaminta ahaa ayaa sheegay in isaga xasuus gaar ah u leedahay wixii dhacay maalintiisa, waxaana uu sheegay in talaabo horay loo qaaday tahay in la xasuusto dadkii maalintaas ku baxay weerarkaas.

Dad ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa siweyn u hadal haya talaabada uu qaaday maamulka gobollka Hiiraan ee lagu xasuusanayo dadkii ku dhintay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhacay maalin Khamiis ah, 18-Jun, sanadkii 2009, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Xarrakada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya
Last edited by TheblueNwhite on Sat Apr 28, 2012 10:15 pm, edited 1 time in total.
User avatar
fighter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4219
Joined: Wed Oct 19, 2011 2:47 am
Location: There's no shame in being an old HAG

Re: A monument is being erected in Beledweyne in honour of

Post by fighter »

:up:
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: A monument is being erected in Beledweyne in honour of

Post by sahal80 »

HAIL to the man of the resistance. AUN.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”