alshabab start to mobilize more troops in hobyo ...!!!
Posted: Sat May 12, 2012 3:26 pm
Gaalkacyo (RBC) Wasiirka amaanka maamul goboleedka Galmudug Abshir Diini Cawaale oo maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in xubno saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gaareen deegaano hoos yimaada degmada Hiobyo ee gobolka Mudug halkaasoo uu sheegay inay isku urursanayaan kadib markii ay ka soo talaabeen dhanka gobolka Galgaduud.
“Waxaa na soo gaareysa in xubno saraakiil iyo ciidan Al-Shabaab ahi ay yimaadeen Hobyo, qaar kalana ay gaareen Budbud iyo Barwaaqo, waxaana hadda diyaarineynaa ciidanka Galmudug si ay uga hortagaan raggaasi qaswadayaasha ah. ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in maamulka Galmudug uu ka warheley in xubnaha Al-Shabaab ee soo gaaray deegaanka ay ka yimaadeen dhanka Ceelbuur oo bishii hore laga qabsaday, wuxuuna tilmaamay in kooxahan uu hogaaminayo nin deegaanka u dhashay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdishakuur Cali Cumar.
“Qoshahooda waa inay saldhig ka sameystaan meesha, waxaa naloo sheegay inay dadka deegaanka isugu yeereen oo ay yiraahdeen maamul baan dhiseynaa.” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka amaanka maamul goboleedka Galmudug Abshir Diini Cawaale.
Dhawaaqa maanta ka soo yeeray maamulka Galmudug ayaa imaanaya xilli Xarakada Al-Shabaab dhowaan shaacisay inay saldhigyo ka sameysatay buuraleyda Galgala ee Puntland, waxaana dhaqdhaqaaqyada kooxda ay haatan u muuqdaan kuwo u wareegaya dhanka gobolada waqooyiga ee dalka ka dib markii Al-Shabaab looga awood roonaaday hawlgalada wadajirka ee ay wadaan ciidamada DKMG, kuwa Ethiopia iyo AMISOM ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.
Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Gaas oo toddobaadkii hore kulankii 13aad ee guddiga amaanka ee wadajirka ka hadlay ayaa u soo jeediyey maamulada Puntland iyo Galmudug inay iska difaacaan Al-Shabaab oo hadda deegaanadooda u guurtay.
RBC Radio