ASWJ extends area of operation in southern theater

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Eaglehawk
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3557
Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
Location: God, Clan and Country
Contact:

ASWJ extends area of operation in southern theater

Post by Eaglehawk »

ahlu sunnah is now only second to amisom in terms of military capability
it seems the international community likes ahlu sunnas work
Maamulka ahlusunna Waljamaaca gobolada Konfureed ee soomaaliya ayaa sheegay inay ciidamo u dirayaan gobolada Bay iyo Bakool si ay uga howlgalaan goboladaasi.



Afhayeenka maamulka ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamad Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ciidamo ka tirsan kuwa ahlusunna Waljamaaca oo tababaro soo qaatay loo dirayo gobolada Bay iyo Bakool si ay ula dagaalamaan Xarakada Alshabaab.

Waxa uu sheegay afhayeenka inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u tagayaan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca furumaha hore dagaalada goboladaasi, isagoo sheegay in qaarkood Ciidamadaasi soo gaareen Degmada Garbahaarey si ah halkaasi kaga qaadaan duulaan sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Maxamad Xuseen Al-Qaadi waxa uu sheegay tirada Ciidamadaasi inay gaarayaan 1,000 Askari kuwaasoo uu sheegay inay maalmaha soo socda u dirayaan gobolada Bay iyo Bakool.

Hadalkan aya Imanaya ka dib marki Gudomiyaha Ahlusunna Walajama ee Gobolada Konfureed Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax uu heshiis wada shaqayn Amisom iyo Ahlusunna ah la galay Saraakil ka socota Midowga Afrika oo ka qayb qadanayay Shirka 13aad ee Wadajirka Amanka Somaliyeed kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Heshiiskaas aya waxaa uu dhigaya in Ciidamada Amisom ee ka howlgali doona Gobolada Konfureed Iyo Ciidamada Ahlusunna ee ku sugaan Goboladaasi ay isku aag noqdaan oo ay dhexmarto wadashaqayn buuxda halka Ciidamada Dowlada ay ayaguna noqon doonan aag kale.

Heshiiskaas waxaa si weyn uga biya diiday R/wasaaraha Dowlada kmg ah ee Somalia Cabdiweli Cali Gaas waxana uu u arkay in Heshiiskaasi uu awood dheeri ah siinaayo Ahlusunna Waljamaca oo uu R/wasaare gaas uu aqoonsan yahay Jabhad.

Balse Midowga Afrika ayan dhag jalaq usinin gadooodka R/wasaare Gaas u ka qaday Iskaashiga dhexmaraya Maamulka Ahlusunna iyo Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee Amisom.

Amisom ayaa hada waxaa magaalada Baydhabo ka jooga Ciidamo aad u yar waxaana lagu wada in Ciidamada Ahlusunna ee ku wajahan Bay iyo bakool ay iskashaan doonan Ciidamada ka socda Amisom ee hada ku sugaan gobolka bay la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab
in mean while supreme leader of ahlu sunnah is on diplomatiic tour
Image
Gudomiyaha Ahlusunna Prof:Xirsi Labba Garre oo Shir uga qayb galaya Magaalada Roma

Sida la wada ogsoon yahay waxaa in ka badan 20 sano ka socdey dalka Somalia dagaal sokeeye, oo dhibaatadiisa ka sokow, gabbaad u noqday ama ay ku bulaaleen si-xun u nool kasta(sida burcabadeed, haraa nukleaar iyo chemicals fogeeyeyaal, khayraadka badda iyo birriga boobeyaal ) argagixiso iskugu jirta mid gudaha ah iyo mid dollaal ah .

waxaa aduunku la dhakafaray una gostay in tacadigaa laga kor qaado dadka somaliyeed, badweynta india-na (indian ocean) lagu soo celiyo marin nabadeed sidii ay ahaan jirtey.

Xoogaga iska kaashana xawshaan adag waxaa fooda hore uga jira urur diineedka Ahlu Sunna Wal-jamaa’ oo xidido qarniyo- soo- jireen ah ku dhex leh ummadda somaliyeed.

Ururkani waa kan ka xoreeyey gobollada dhexe argagixisa Al shabaab kana feer dagaallama ciidamada dawlada somaliyeed, kuwa Kenya iyo amison goob kasta ee dalka.

Waxaa associazione migrare oo ah urur u halgama xuquuqda dadka ayna asaastay hogaamisana Shukri said Mohamed sharaf u ah in u ka qayb qaato ku soo dhawaynta Roma wafdi ka socda Ahlu Sunna Wal-jamaa’ oo u hogaaminayo guddoomiyaha ururkaasi prof. Hirsi Mohamed Hilole.

Wafdigani waxuu aragtididiisa la xiriirta nabadaynta,qaranimo-so- celinta dib-u-dhiska iyo talawadaaga dalka ku soo bandhigi doona shirar lagu kala qabandoono:

1) Senate-ka talyaniga: Sala degli Atti Parl.del Sen.della Repubblica

Piazza della Minerva n. 38, Roma

Waqtiga 23-05-2012 saacada 15,00-19,00 n. 38 – 2)Jamacada 3aad ee Roma

Goobta : il Centro di Studi Somali dell’Università Roma Tre

Aula Dipt di Linguistica – Via Ostiense 236

maalinta 22-05-2012 laga bilaabo saacada17.00.

waxaa ka hadli doona:

Mowduuca :

“ Ahlu Sunna Wal- Jama’a”

From religious movement to political and Military struggle

Prof. Hersi Mohamed Hilole, Chairman Of Ahlu Sunna Wal- Jama’ah

waxaa ka qayb galidoona dooda:

- Dott.sa Laura Boldrini Portavoce dell’UNHCR

- Dott. Pierluigi Malesani Presidente Euronews

- Shukri Said, Fondatrice e Portavoce diell’Associazione Migrare

- Prof.sa Annarita Puglielli, Presidentete del Centro di Studi Somali

- Vari esponenti della comunità somala in diaspora.

Waxaa sido kale jiri doona kulamo gaar gaar ah ee wafdigu la qaadan waxaa ka hadli doona:

Mowduuca :

“ Ahlu Sunna Wal- Jama’a”

From religious movement to political and Military struggle

Prof. Hersi Mohamed Hilole, Chairman Of Ahlu Sunna Wal- Jama’ah

waxaa ka qayb galidoona dooda:

- Dott.sa Laura Boldrini Portavoce dell’UNHCR

- Dott. Pierluigi Malesani Presidente Euronews

- Shukri Said, Fondatrice e Portavoce diell’Associazione Migrare

- Prof.sa Annarita Puglielli, Presidentete del Centro di Studi Somali

- Vari esponenti della comunità somala in diaspora.

Waxaa sido kale jiri doona kulamo gaar gaar ah ee wafdigu la qaadan
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”