Nariobi (RBC) Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay maanta oo Talaado ah, in ay weerar ku qaadeen goob ay joogeen kooxo burcad-badeed Soomaali ah xeebaha koonfurta Soomaaliya.
Warka ayaa intaas waxa uu ku darayaa in weerarkan ay ka qeyb qaateyn diyaraadaha qumaatiga u kaca ee helicopter-ka kuwaas oo dhowr jeer gantaalo ku garaacay deegan u dhow Xarardheere oo ka tirsan gobalka Mudug.
Weerarkan waxa la sheegay in uu yahay kii ugu horeeyay ee howlgalka midowga Yurub ka geestaan gudaha ciida Soomaaliya.
Afhayeenad u hadashay hawlgalka Midowga Yurub ee dagaalka ka dhanka burcad badeeda ayaa warbaahinta u sheegtay in Midowga Yurub hawlgalka Xarardheere ay fasaxuga qaateen DKMG Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen ka jor intii aysan weerarin burcad badeeda.
Afhayeenada waxay intaa ku dartay inay u arkeen goobta ay weerareen meel lagu hayo shaqaalaha iyo maraakiibta la qabto, waxa hadda la ogyahay in xeebaha Soomaaliya lagu heystaa 17-markab iyo 300 shaqaale ah, kuwaas oo laga doonayo in ay madax furusho laga qaato.
----------------------
Ciidamada badda Midowga Yurub oo duqeeyay fariisimo burcadbadeedu ku leeyihiin berriga
Xarardhere, May 15 - Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa goor hore oo saaka ah weerar xagga cirka ah ku qaaday goobo la rumaysanyahay inay fariisimo ku leeyihiin kooxha burcadbadeeda xeebaha Soomaaliya.
Howlgalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo laga fuliyo beriga Soomaaliya si loo soo afjarro kooxaha burcadbadeeda ayaa lagu warmayaa inay ka qaybqaateen diyaarado iyo maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Midowga Yurub.
Bile Xuseen, oo ah sarkaal katirsan burcadbadeeda ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP weerarkan inuu ka dhacay deegaanka Xandulle oo 18-km jihada waqooyi uga beegan magaalada Xarardheere oo la rumaysanayahay inay burcadbadeedu fariisimo ku leeyihiin.
Howlgalkaan ayaa lasoo sheegayaa ilaa iyo hadda inuusan jirin khasaare nafeed oo uu gaystay hase ahaatee saraakiisha Midowga Yurub iyo dad deegaanka ayaa xaqiijiyay in doonyo burcadbadeedu adeegsanaysay in la burburiyay.
Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.
Nato Preparing to attack hardaree pirates
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 260 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 31 Replies
- 1336 Views
-
Last post by Nubis
-
- 81 Replies
- 380 Views
-
Last post by Ayub21
-
- 96 Replies
- 3128 Views
-
Last post by The_stig
-
- 1 Replies
- 359 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 6 Replies
- 627 Views
-
Last post by gemini_snake
-
- 39 Replies
- 304 Views
-
Last post by King-of-Awdal