Press release from Jubbaland State

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Boqoleh
Posts: 19
Joined: Mon May 14, 2012 5:19 pm

Press release from Jubbaland State

Post by Boqoleh »

Asw salaan kadib afhayeenku wuxuu umadda soomaaliyeed ugu baaqayaa midnimo wadajir iyo in laga shaqeeyo sidii dib loogu heli lahaa nabadgalyo, nolo, horumar iyo maamul caddalad ku dhisan oo bulshada u'adeega.intaa kadib. Waxaan u mahad celinayaa dhamaan bulshadda reer jubaland,gaar ahaan intii ka qayb gashay iyagoo ku hadlaya inta ka maqan codkooda,Waqooyiga ameerika,Qaarad yurub sidii xilkasnimada lahayd ee ay isugu raaceen taageeradoodana ugu muujiyeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo maamul dadka iyo danta jubaland u shaqeeyo. (Masiwaradii Safiirada Europe)

http://gedoweb.com/images/duc.JPG

http://gedoweb.com/images/duc1.JPG

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa bulshadda reer jubaland ee ku dhaqan gobolka Ohio magaalada columbus,oo iyagu qaatay culayskay lahayd martigalintii iyo caleema safarkii madaxweynaha iyadoo aan loo kala harin wax garad isugu jira siyaasiyiin,saraakiil indheergarad,culumo'udiin haween dhalinyaro,iyo caruur,waxay ahayd taariikh dibna loo
xasuusan doono.

Intaas kadib waxaan u mahad celinayaa ilaahaygii suurta galiyay isuna keenay dad bad- an oo walaalo ah oo reer jubaland ah sidii ay u xaqiiq sadeen dhibaatadii ku dhacday iyo
khilaafkii udhaxeeyay,oo madax iyo minjo laqabto wax lagu macneeyo iyo meel lasaaro toona lahayn,mudadda dheerna qaadatay

Taasoo keentay dib udhac dhan kasta leh dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha ka koo bantahay,iyo sidii ay maanta ugarteen in laga gudbi karo lagama maar maana ay tahay in lahelo maamul iyo kala dambayn si gurmad dabaqabasho,daryeel deg-deg ah iyo nolol cusub loogu helo hooyo dhibaataysan oo caruur haysata,qaar agoon yihiin qaarka kalana cidlo yihiin,qaar dulsaar ku yihiin kuwo kaloon qaadi karin, qaar lagu xad gudbay,oo dhibka iyo dhibaatada loo gaystay ay suurtagal tahay in ay hoos u'ooyaan cid ay ooga dacwoodaan iyo cadaaladna aan haysan ahaana qaybtii bulshada ugu qiimaha badnayd oo 22-kii sano ee la soo dhaafay u dhaxeeyay dirir, hardimo iyo is jiid-jiid kala duwan oo kooxiba mar gacanta marinaysay.

Shaqsiyaadkaas noloshoodu maanta wixii ka dambeeyo haddii ilaahay idmo,manoqon do doonto isku tuur-tuur,iyo wax lagu ciyaaro,gor-gortan iyo in la isaga tunto waana waxa ugu horeeyo ee ay jubaland u'istaagtay rabtana in ay meel mariso taageeradda ugu badana ay ku heshay,looguna doortay in uu hogaamiyo Dr Axmed Farax Ducaale.

Waxaa isa soo tarayo soo dhaweynta meel walbo laga soo dhaweynayo iyo baahida dhab ta ah ee looqabo maamulka jubaland iyo hogaankiisa Mr Axmed Farax Ducaale madaxwaynuhu intii uu ku sugnaa xarunta dalka kenya ee Nairobi wuxuu kulamo aan kala go'la hayn la qaatay,jaaliyada reer jubaland, madaxda urur goboleedka IGAD, wuxuu wakhti
dheeraad ah la qaatay safiirka safaarada kanada,sidoo kale safiirka safaarada ingiriiska sidoo kale ku xigeenka xafiiska UN-KA uqaabilsan arimaha soomaaliya,wuxuu kaloo la ku lmay safiirka safaarada Ethiopia,iyo qaar ka mid ah ha'adaha NGO.


Dhamaantood waxay kawada hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa maamul goboleedka jubaland ,waxayna soo dhaweeyeen hogaanka jubaland oo mr Ducaale hormuudka u yahay waxayna u balanqaadeen wada shaqayn iyo taageero,
Iyadoo aysan wali dhamaan balamaha iyo kulamadda uu madaxweynuhu la leeyahay jaaliyada jubaland,safaaradaha iyo beesha caalamka,ee fadhiyo xarunta kenya nairobi wuxuu safar deg-deg ah ku tagi doonaa xarunta dalka Ethiopia magaladda Adis-Ababa wuxuuna madaxweynuhu ku tagi doonaa martiqaad uu ka helay xukuumadda Ethiopia.


Intaas kadib madaxweynuhu markuu soo dhameysto kulamada uu laleeyahay madaxda wadamada dariska ah safaaradaha hay'adaha samafalka wuxuu si toos ah usoo cagadhiganayaa deegaankii jubaland mid kamid ah dagmooyinka gobolka gedo,luuq,dooloow
baladxaawo,waxaana halkaas ku soo dhaweynaya wax garad,siyaasiyiin,saraakiil iyo maamulka gobolka gedo,


Waxaa jiro koox dibada iyo gudaha ka dhisan oo soo baxo markii bulshada inteeda badan wax qabad iyo wannaag u'istaagto,iftiinkaas jubaland ee maanta soo baxay iyo rabitaanka ,israaca ay bulshadu darenkeeda ku mujisay jubaland way dhisantaye aan dhamays tirano lama waayayo mid macaarado,mid ka'aamuso,iyo mid ka maqnaado,waxaanse idiin leeyahay meeshii loo badan yahay oo wanaag lagu hayo yuu khayrku ku jira aye bulshadda soo raaca.


Anigoo fursadaan ka faa'iidaysanayo waxaan fariin udirayaa dhamaan waxgaradka ku shirsan magaalada muqdisho,waxaan idiin leeyahay, caaqiloow,waxgaradoow madaxyoweyneey duubaboow, soomaaliyu maanta way idiin fiirsanaysaa wayna idin sugaysaa ha murmina hana isqabanina ha'is khilaafina waxaa imaanaya kala tag,wax un ku heshiiya manta Haddii kale waxaad ka markhaati noqonaysaan wixii soomaali lagu baabi'iyay oo ahaa soo maalidu isma maqasho,isma tixgaliso,isuma tanaasusho,isma xukumi karto,wax kuma heshiin karto,wax ma qaybsan karaan,xitaa caqiidadda ay aaminsan yihiin kuma kalsoona umana arkaan inay xal tahay intaas oo been ah,soomaalidu waa dad wanaagsan oo wada dhashay oo u baahan hogaamiye daacad ah sida duqa magal- muqadishu Maxamuud Axmed Tarzan
Maxaad ku tashateen taariikhdu iyadaa is qorto meeshaad ka galaysaan maal maha soo socdo,waxaan kaloo idiin xasuusinayaa go'aankiina ugu dambeeyo wuxuu ku beegan yahay aasaaskii sanad guuradii 69-laad ururkii SYL ma dowlad baan idiin ka sugnaa mise mar kalanaan madaxyadeena mayrax kuxiranaa talada ilaahay ha idiin waa fajiyo

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”