Madaxweynaha Puntland oo
sheegay inay dalbadeen in
Addis Ababa lagu qabto shir
looga hadlayo Dastuurka
Soomaaliya
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) —
Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan
Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay
inaysan ku qanacsanayn dastuurka cusub ee
loo sameeyay Soomaaliya, kaasoo uu
sheegay inaysan ku caddeyn awoodaha
maamul goboleedyada dalka.
C/raxmaan Faroole oo wareysi siiyay BBC-
da ayaa sheegay inay dalabadeen in la isugu
yimaado magaalada Addis Ababa si loo
turxaan-bixiyo dastuurka oo uu xusay
inaysan ku caddeyn awood-qaybsiga
dhaqaalaha iyo siyaasadda.
"Haddaan dastuur jirin waxba ma jiraan,
inta odayaal lagu shiriyo Muqdisho oo loo
sheekeeyo iyadoo la geesmarayo shirarkii
hore ma filayo in taasina ay noqon karto
suuro-gal," ayuu yiri madaxweynaha
Puntland
Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in
dowladda KMG ah ay dhowr jeer ka dhego-
adaygtay in Puntland ay guddiyada
dastuurka ka shaqeynaya qayb ku yeellanno,
isagoo xusay in taas badalkeeda ay isku
halleynayeen ra'isul wasaaraha Soomaaliya
iyo wasiirka dastuurka iyo arrimaha
federaalka oo kasoo jeeda Puntland.
"Waxyaabihii aan la yaabnay waxay ahayd
markii 30-kii Apriil naloo keenay dastuur
aysan ku caddeyn Federaalka, sidoo kalena
aan qeexayn awoodaha siyasaadda,
dhaqaalaha iyo adeegga dowladda," ayuu
yiri Faroole oo intaas ku daray in taasi ay
ahayd middii keentay inay ka biyo diidaan
dastuurka.
Mar la weydiiyay in laga qanciyay
cabashadooda iyo in kale ayuu sheegay
inaysan jirin wax laga qanciyay, balse ay
sugayaan in shir lagu qabto Addis Ababa si
looga saaro dastuurka loo xanaf-tiro, isagoo
sheegay in eedda cabashada ay mas'uul ka
yihiin dadkii qoray.
Hadalka madaxweynaha Faroole ayaa
imaanaya xilli ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali uu
sheegay in cabashada Puntland ay ka mid
tahay midda ay qabaan dadka
Soomaaliyeed, markii dastuurka la
ansixiyana wax ka bedel lagu sameyn
doono.
Farooleey: hold dastuur meeting in holy city Adis Ababa
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 515 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 15 Replies
- 1503 Views
-
Last post by original dervish
-
- 68 Replies
- 3360 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 565 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 0 Replies
- 207 Views
-
Last post by Gashireedle
-
- 7 Replies
- 780 Views
-
Last post by Ashlee~
-
- 0 Replies
- 535 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 3 Replies
- 561 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 4 Replies
- 440 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW