Denmark to open official Diplomatic office in Somaliland
Posted: Sun May 20, 2012 3:28 pm
Dawladda Denmark oo Sheegtay in ay Isha Ku Hayso Somaliland, Daboolkan ka qaaday Wakhtiga ay Xafiis Rasmi ah ka furanayso Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Copenhagen (Waaheen) Dawladda Denmarka ayaa sheegtay in ay si Weyn isha ugu hayso Xalladaha kala duwan ee Somaliland waxayna sheegtay in ay kor u qaadayso Xidhiidhka ay la leedahay, Wasiirka Horumarinta iyo Iskuduwida deeqaha caalamiga ah ee Dalka Denmark Mr. Christian Friis Bach oo 16may ka qayb galay kulan ay dawladda Denmark Magalada Copenhagen ee dalkaasi kula yeelatay Jaaliyada Somalida, ayaa waxa wasiirka la waydiiyey Su’aal ku saabsan arrimaha Somaliland Waxanu sheegay in dawladoodu si wanaagsan Isha ugu hayso Xallada Somaliland isaga oo sheegay in talaabada ugu horeysa ee ay qaadayaan tahay in ay xafiis ka furtaan Maglada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.
Wasiirka ayaa Markale la waydiiyey halka ay hawsha Xafiiskaasi u marayso, waxanu ku jawaabay in hadda heleen masuulkii xafiiskaas madaxda ka noqon lahaa, dhawaana ay raacin doonan masuul kale oo kaalmeeya, waxanu si cad u sheegay in uu ku rajo weyn yahay in dawladda Denmark ku rajo weyntahay in ay dawlada denmarka xafiis rasmi ah furato Bisha July ee Sanadkan.
Wasiir Christian Bach ayaa waxa uu socdaal ku yimid Hargeysa Dabayaaqadii bishi Jenewary ee Sandkan isaga oo la kulmay Madaxweyne Axmed Maxmaed Maxmauud Siilanyo, waxaanu xiligaasi ku dhawaaqay in Magalada Hargeysa ay dawladiisu ka furan doonto Xafiis.
Wasiirka ayaa waxa xiligaasi la socday Xoghayaha Guud ee Hay’adda DRC ee laga leeyahay waddanka Denmark.