Kenya ayaa ka mid ah Howlgalka AMISOM, ee Soomaaliya lagaga saarayo Alshabaab oo la midowday Ururka Alqacida ee Caalmiga ah.
Inta baddan Gobaladda Jubooyinka waxaa gacanta ku hayaa Ciidamadda Kenya Kuwa Dowladda Soomaaliya Iyo Ciidamo Daacad u ah Maamul Gobaleedka Azania Iyo Raaskanbooni.
Balse Magaaladda Kismaayo ayaa waxay gacanta oogu Jirtaa Alshabaab, Kismaayo ayaa ah meesha hadda la bartilmaamsanayo.
Ku xigeenka Ciidamadda Amisom oo ah Taliye Ciidan Kabtan Gilibert Nitunga ayaa Xaqiijiyay in Bisha June ee soo socota ay Magaaladda Kismaayo Qabsan Doonaan.
Wuxuu haddalka ku sii daray In Weerar Balaaran oo Cir Iyo Dhul ah ku qaadi Doonaan Kismaayo.
Maalmo kahor ayaa Raysul Wasaraha Itoobiya Meles Zenawi sheegay In Ciidamadda Itoobiya qabsan dooanan Kismaayo.
Warar Baddan oo is khilaafsan ayaa ka soo Baxaya Deegaanadaas, Qorshaha Kenya Iyo Itoobiya ay wataan, Wararka ayaa sheegaya In Maamul Gobaleed ay wadato Itoobiya doonayso in laga Dhiso Gobaladaas, Meesha Kenya ay kaga Duwan tahay, Wadda Haddalo hoose ayaa u dhaxeeya Kenya Iyo Itoobiya oo aan wali la isku raacin, Halka mid laga siman yahay ayaa ah in Kismaayo Laga saaro Alshabaab.
Hmm, Ethiopia is saying the same, maybe there will be clash between Kenya and the xabash in Jubboyinka
