General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaayo

Post by Adali »

Gen: Caanood oo shegay in Ciidamada Dowlada ay afka sareen wadoyinka ada Kismaayo iyo Baydhabo

May 26, 2012 - jawaab

Wararka naga soo garaya deeganada ay howlgalada ka wadan Ciidamada Dowlada aya waxaay tibaxayaan in Ciidamada huwanta ah ay jahooyin badan uga baxeen Dagmada Afgooye

Taliyaha Guutada kowaad Gen: Cabdulahi Cali Caanood oo warbahinta la hadlay saaka ayaa sheegay in ciidamada Dowlada ay ku sugan yihiin wadooyin dhowr ah oo ka baxa degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha aya shegay in Wadoyinka ada Baydhabo iyo Kismaayo ay ciidamadooda ku baxeen waxana uu inbtaasi ku daray in Ciidamadaasi aysan so laban doonin ila Askari ka mid ah Al-Shabaab uu ku sugan yahay Ciida Somalia

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom aya guulo waaweyn ka soo hoyay dagaal maalmo qatay oo ay ku qadeen farisimo ay Ciidamada Al-Shabaab gacanta ku hayeen waxana ugu weyn Xarunti Al-Shabaabka ee Ceelasha biyaha iyo Afgooye.

Kismaayo24
Ciidamada DKMG Somalia iyo kuwa AMISOM oo u Jiheystay Dhinaca Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay saakay u dhaqaaqeen dhinaca degmada Marko ee xarunta gobolka Shabellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa HOL u sheegay in ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo wata gadiid dagaal oo ay ka mid yihiin taangiyo ay mareen jidka aada degmada Marko iyo degmooyinka kale ee gobolkaas.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa ku dhaqaaqay jidka dhinaca koonfureed kaga baxa degmada Afgooye, kaasoo taga degmooyinka Marko iyo kuwa kale ee gobolkaas kaga beegan dhinaca Koonfureed," ayuu yiri goobjooge ku sugan Afgooye.

Saraakiisha dowladda KMG ah ayaa waxay iyaguna sheegeen in howlgalladu ay sii socon doonaan, waxayse ka gaabsadeen halka ay aadi doonaan kaddib degmada Afgooye, inkastoo saraakiisha qaarkood ay sheegeen inay ku dhow yihiin degmada Wanlaweyn oo 60-km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Afgooye.

"Howgalladu ma joogsanayaan illaa aan ka tagno barta noo calaameysan," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda oo aan sheegin barta u calaameysan ee ay doonayaan inay howlgalkooda ku hakiyaan.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay isku urursanayaan deegaannada u dhexeeya Afgooye iyo Marko, inkastoo saraakiisha kooxdan aysan ka hadlin tallaabo ay qaadi doonaan kaddib ka bixitaankooda degmada Afgooye.

Degmada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay 60-km ka xigtaa dhinaca Koonfur-bari degmada Afgooye, waxayna ka mid tahay goobaha ay aadka ugu xooggan tahay Al-shabaab, inkastoo aan la ogeyn sida uu xaalkeedu noqon doono.

Hiiraan
Tartanka Qabashada Magaalada Kismaayo
Added by Gedoonline on May 25, 2012.
Saved under Editorial, Latest News
Tags: Latest News

Gedoonline: op/ed……

Cidamo sadex geesod ah oo aan isku qorshe ahayn baa dhawaan ku wajahan Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo. Wajiga kowaad ee ciidamadaan ayaa ah ciidamo ay hogaaminayso dowlada Kenya ee ka imanaya dhanka xuduudka Kenya. Dhanka magaalada Baydhabo waxaa ayana jooga ciidamo Itoobiyaan ah oo horaantii todobaadkan ayaguna baahiyay inay doonayaan inay qabtaan ama Shabaabka ka kiciyaan illaa magaalada Kismaayo. Dhanka Muqdisho waxaa ayana Jubooyinka ku wajahan ciidamada AMSOM iyo kuwa Dowlada Ku Meel Gaarkaa. Waxaana cad ina sadexda ciidan aysan ka dhexayn wax xiriir ah iyo qorshe midaysan oo ciidan. Tartanka ugu weyn waxaa uu ka dhex jiraa kuwa dhanka Muqdisho ka imanaya ee Kenya horkacayso iyo ciidamada DfFKG iyo AMISOM. Waxaana labada dhinac sida muuqatay aysan wali isku waafaqin cida gacanta ku hayn doonta maamulka goboladaas Jubooyonka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Goboladaan oo ay wali gacanta ku hayaan kooxaha xag jirkaa ee Al-Shabaab hogaanka u yahay. Waxaana muuqata in ay sii wiiqmayso awooda ciidan ee kooxda Al-Shabaab. Is badalka awoodeed ee ku yimid kooxda ayaan illaa iyo hada si cad loo faah faahin ama aysan jirin cid si rasmi ah u fahamsan. Waxaa cad in awoodii ciidan ee kooxdani aysan u babac dhigi karin awooda ciidan ee sadex geesoodkaa. Waxaa kaloo cad in dadka deegaanku si buuxda uga soo horjeesteen qorsha qalafsan ee aan horumarka lahayn ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, tartanka loogu jiro deeganada Al-shabaab banayso ayaa ah mid cad oo mudan in si gooni ah isha loogu hayo. Waxaana cad in dalalka Kenya iyo Ethiopia ay dano gooni ah ka leeyihiin ku lug yeelashada maamulka gobolada Jubooyinka. Tartanka Jubooyinkaga gaar ahaan midka maamulka iyo gacan ku haynta Kismaayo oo horey u ahaan jirtay mid u dhaxaysa qabiilada Soomaaliyeed ayaa hada u muuqata mid u dhaxaysa dalalka dariska gaar ahaan Kenya iyo Ethiopia.

Isbadalka dhowaan lagu wado inuu ka dhoco gobolada Jubooyinka ayaa wax badan ka badali doona siyaasada cakiran ee koonfurta dalka. Waxaanse wali cadayn sida loo midayn doono rabitaanka siyaasadeed ee dadka deegaanka goboladaas iyo saamaynta ay ku yeelan doonaan awooodaha shisheeye iyo faragalinta deegaanada.
Dad badan baa laac ka muujiyay colaada herka gobol ee saamaynaysa deegaanka gaar ahaan kala daadsanaanta shacabka iyo hardanka quwadaha shisheeye.

Gedoonline op/ed
User avatar
Eaglehawk
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3557
Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
Location: God, Clan and Country
Contact:

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Eaglehawk »

it looks like great summer adali

here is cabdulahi cali canood with barre hiiraale
we are leading from every angle the assault on kismaayo


4.10
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by zingii »

^^^
Maxaa every angle ah, madaxii sare ee ASW soo tan la leeyahay jagada waa laga qaaday.
User avatar
Eaglehawk
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3557
Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
Location: God, Clan and Country
Contact:

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Eaglehawk »

zingii wrote:^^^
Maxaa every angle ah, madaxii sare ee ASW soo tan la leeyahay jagada waa laga qaaday.
zingi trust me marexaan strategy is like shock and awe, enjoy the show in the next few months
adeer ahlu sunnah is our project its only others that fool themself thinking they have a say
wiilkann yar ee macalin nuur iyo xeefow are our supporting actors

xeefow is bitter about this moment
xeefow thought he could play the same game by supporting laba garre thinking he can divide beesha hussein yusuf but cez what xeefow is crying now :lol:

Image
User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Adali »

Eaglehawk wrote:it looks like great summer adali

here is cabdulahi cali canood with barre hiiraale
we are leading from every angle the assault on kismaayo


4.10
the pioneers of Jubaland. :up: 8-)

Image
Caanood to the left, I have said before a while ago that he is behind the consecutive military gains in Mogadishu and now he is leading the push for Kismaayo capturing one of the main towns towards Kismaayo "afgooye", all the small towns on the main road will be a breeze I tell you, shishkabaab don't know how to fight head on they are only equipped to fight in irregular combat, the main road is a huge disadvantage to them, at the same time they rely heavily on the Barrawe, Merka and other Lower shabelle towns for recruitment, they are facing a huge threat from General Caanood at the moment.
User avatar
Smile-LiKe-SuN-RiSE
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7665
Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
Location: Jubbaland

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Smile-LiKe-SuN-RiSE »

Nac nac nac :-@ :-@ Maxaa afgooye geeyey ninkan general canood iskula baxay..talk about bila macno udhimo :roll:
User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Adali »

Smile-LiKe-SuN-RiSE wrote:Nac nac nac :-@ :-@ Maxaa afgooye geeyey ninkan general canood iskula baxay..talk about bila macno udhimo :roll:
Image
wax yahee isnacdey ceebtaada aniga ma asturi kariyee agteyda banee balaayo ku qaadee, raga kula caytamo miyaad i moodey ?? go away please.

Zingii talk to your cousin wee jahwareerte.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by grandpakhalif »

Wallahi waxan layaabay reer dalal. they are always they champions of the military from gen. gani to bixi to canood to gen. abdulkadir dini.



Wow. :up:
User avatar
Smile-LiKe-SuN-RiSE
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7665
Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
Location: Jubbaland

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Smile-LiKe-SuN-RiSE »

Adali wrote:
Smile-LiKe-SuN-RiSE wrote:Nac nac nac :-@ :-@ Maxaa afgooye geeyey ninkan general canood iskula baxay..talk about bila macno udhimo :roll:
Image
wax yahee isnacdey ceebtaada aniga ma asturi kariyee agteyda banee balaayo ku qaadee, raga kula caytamo miyaad i moodey ?? go away please.

Zingii talk to your cousin wee jahwareerte.
Ha i habaarin balayahow madoowka badan :roll: ..oo multi nicker ah. Runta sheegay miyey gu gubaysa taas :roll: ..dhig bilash ku dhaamato ma wax lugu farxaa :roll: ..Afgooye kulaha..yaa Afgooye noo daga :roll:
"Zingii talk to ur cousin " kulaha Smile cid afkeeda qaban kartaa iska yar..so stfo..waxyahow..cirka laga soo hindisay :arrow:
xidig007
Posts: 72
Joined: Fri Jul 18, 2008 3:49 pm

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by xidig007 »

Adali wrote:
Smile-LiKe-SuN-RiSE wrote:Nac nac nac :-@ :-@ Maxaa afgooye geeyey ninkan general canood iskula baxay..talk about bila macno udhimo :roll:
well said abaaaaaaaaayo :clap: :clap: :up: hadda waxaad moodaa gabdhaheena inay wiilasha ka karti badanyihiin ........ waxa la isku heestaba ma oga wiilasha sade wallhi
User avatar
Smile-LiKe-SuN-RiSE
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7665
Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
Location: Jubbaland

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Smile-LiKe-SuN-RiSE »

Naa dadkaan marka runta u sheego way igu soo boodan. :roll: Hadi xitaa aa dhiri galisid afkay ku qabaanayaan.
Btw i have never seen you around..what is ur old username :| :|
Colonel
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6708
Joined: Wed Jul 20, 2011 5:00 pm

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Colonel »

The brave Youth will defeat this treacherous army and retake all lands lost just like it did in 07.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by The`Republic »

GP, Biixi is reer Siyaad bro.
User avatar
Based
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3956
Joined: Tue Sep 06, 2011 5:23 pm
Location: Can't think of anything witty or interesting

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Based »

grandpakhalif wrote:Wallahi waxan layaabay reer dalal. they are always they champions of the military from gen. gani to gen. cabdicaziiz to canood to gen. abdulkadir dini.



Wow. :up:
:up:
User avatar
Eaglehawk
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3557
Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
Location: God, Clan and Country
Contact:

Re: General Caanood oo la wareegey Afgooye una socdo Kismaay

Post by Eaglehawk »

war reer dalalki faan bay barteen mahay dhaheen, anaka geesi general naga dhasha, haye

bah xawadle iyo bah ogadeenku wa both non-commissioned officers, high command weli ma gaarin. raga ah oberkommando der Wehrmacht wa la yaqaan :lol:

jaaleyaal the briefing is on thursday, the meeting is dismissed
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”