Xaafuun (RBC) Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta shaaca ka qaaday in dadka deegaanka Xaafuun ku dhaqan ay Ogolaadeen in ciidamada badda Puntland fariisimo ka sameystaan isla deegaanka ka dib kulan ay yeesheen Odayaasha deegaanka iyo maamulka Puntland.
Wasiirka amniga Puntland oo la hadlaayey Saxaafada ayaa ugu horeyn ka hadlay hawlgalo ay kusoo qabteen rag uu ku sheegay in ay yihiin Burcad badeed ku sugnaa deegaanka,wuxuuna sheegay in raga la qabtay ay Isugu jiraan burcad badeed iyo kalluumaysto sida ay kusoo Wargeliyeen dadka deegaanka iyo Maamulka degmada lana sii dayn doono wixii aan dembi lahayn.
Waxa uu tilmaamay in kulamo ay la yeesheen dadka deegaanka ay isla afgarteen oo ku heshiiyeen in ciidamada badda Puntland fariisimo ku yeeshaan deegaanka isla markana ay ka gacan siin doonaan dadka reer Xaafuun hawllaha dhanka horumarinta iyo mashaariic laga fulinayo degmada ayna ka mid yihiin Qodobada ay Isla meel dhigeen:-
o1. In dadka reer Xaafuun quudin loo raadiyo ee abaaruhu ku dhaceen waayo Shan sano abaar kama dhicin.
02. In Ceelal loo qodo.
03. In Wadada wax looga qabto inta mashaariicdu sameyso mooyaane inta kale in wax laga qabto.
04. In Isbitaalka degmada Xaafun wax looga qabto.
05. In wax looga qabto dhanka Waxbarashada.
07. In la weyneeyo garoonka Diyaaradaha degmada lagana Shaqeysiiyo.
08. In deked yar laga sameeyo meesha.
09. In la Shaqaleeyo dadka deegaanka.
10. In wax alaale wixii adeeg ah oo loo sameynaayo ciidamada badda in reer Xaafuun u sameyso.
11. In la qoro dad Xiriiiyaal ah oo u dhaxeeya Ciidanka,Maamulka iyo dawladda Puntland.
12. In hawlkasta oo ay ciidamada badda ka sameynayaan deegaanka ay ka amar qaadanayaan Guddoomiyaha degmada iyo kuwa badan oo kale.
…..”"Intii mudada ah ee aan Joognay meeshana Shirar iyo wadahadalo baan la galnay waxgaradka degmada, Odayaasha degmada,Maamulka degmada si fiican baan Isu baranay intii meesha aanu joognay waxaa laga Sameeyey hawlgalkii kowaad ee Burcadbadeed la diriraayey, hawlgalkaasina waxaa lagu soo qabtay rag lix nin ah iyagiina waxaan geynay Boosaaso, waa la baarayaa wixii aan Burcadbadeed ahayna waa la sii daynayaa wixii ku sifoobana waa lagu haynayaa Inkastoo maamulku noo yimaadeen oo dad badan oo ragaasi ah ay noo Cadeeyeen inay yihiin dad Kalluumaysato ahaa aan ahayn Burcadbadeed anaguna waxaan ka balan-qaaday wixii aan Burcadbadeed ahayn inaan kasoo dayno meeshaas si aan Cadaalada ugu dhaqano een Xaaldaha guud iyo Safarkayagu Ujeedadiisu waa sidaas….”””"ayuu yiri Col. Khaliif.
Sidoo kale waxa uu beeniyey Khaliif Ciise Mudan in dadka deegaanku ka hor yimaadeen isla markaana uu ka dhashay Iska hor imaad dadka deegaanka waxyeelo xoogan ay u geysteen Ciidamada Badda Puntland.
“Waxaan ku sheegaya horta Ciidanka Badda Puntland nina iyagu lama dagaalamin, magaaladana cid nalaga lagaalantay majirin waxa weeye dadka waa dadkayagii anagaa mas’uuliyiin u ah degaana anag ruuxayagu nahay een dadkaan la sheegayo oo la qabqabtay waxa ay ahaayeen dad Burcadbadeed ah iyo qaar lagu tuhmay bay ahaayeen”ayuu yiri.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dadka deegaanka reer Xaafuun oo dhowaan iyaga iyo ciidamada maamulka ay xiisad ka dhex dhacday taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac isla markaana ay cambaareeyeen odayaasha dhaqanka ee degmada Xaafuun.
PL marine force open new branch post in xafuun
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: PL marine force open new branch post in xafuun
Nabadoon Abshir Cabdirixmaan Ciroole oo Soo Dhaweeyey in Ciidamada Badda Puntland Yimaadaan Xaafuun
Xaafuun (RBC) Odayaasha iyo Waxgaradka ku dhaqan degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar ayaa si weyn u soo dhaweeyey in ciidamada badda Puntland ay degaan gudaha degmada isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarka iyo la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Nabadoon Abshir Cabdirixmaan Ciroole oo ka mid ahaa Odayaashii la kulmay mas’uuliyiinta Puntland oo kamid yahay Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada badda Puntland isla markaana ay balan-qaadayaan in ay la shaqeeyaan.
Wuxuu xusay in faham khaldan ay dadka deegaanka ka qabeen ciidamada badda Puntland oo ay tababarto Shirkadda Saracen International sida in ay macdan iyo kheyraad kale ka baaranayaan deegaanka iyo Xeebaha ku teedsan degmada balse taasi ay si fiican ugu dhaadhiciyeen mas’uuliyiinta Puntland ee hadda jooga kuwaas oo u sheegay in hawsha qabanayaan ciidamadu ay tahay mid dan u ah Shacabka.
…..”"” Dadku waxay leeyihiin buurey gurteen kanay gurteen, keerey gurteen wax kasta markaad Ogaato waxbaad waxaa oran kartaa waxa anigu ma yeelaayo, waxaas waa yeelayaa magaratay, hadde waxaadanba arag nin ku yimid waxa weeye horta wuxuu wato arag haddii uu ku yiraahdo waxbaan kula qabanayaa meeshaan waa meel gaari waaya…”"”ayuu yiri Nabadoonku.
Sidoo kale Nabadoon Abshir Cabdirixmaan Ciroole ayaa tilmaamay in Shacabka ku dhaqan degmada Xaafuun ay dhibaato ka haysato dhanka wadada gasha magaalada isla markaana wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiinta ka socota Puntland looga baahan yahay in ay wax ka qabtaan wadadaas iyagoo la kaashanaya dadka reer Xaafuun.
….”" Anaga meesha waxaa muhim noo ah wadadaas, wadadaas aanu Intaas dadka kaga duwanahay baa horta muhim noo ah, walaahay arrinta wadada ma wixii EEBE uusan ka tabin mise waxay naleeyihiin wadadaas waan idin kala Shaqeyneynaa idina wax baad qabaneysaan anaguna waxbaan qabaneynaa iyada horta waa noo muhim, meeshaan biyo maleh oo biyo laga Cabo waa ku yar yihiin waxa weeye biyaha waxay leeyihiin wax baan idin kala qabaneynaa….”"ayuu yiri.
Gabagabadii ayaa Nabadoon Abshir Cabdirixmaan Ciroole waxa uu xusay in dadka deegaanka iyo ciidamada Puntland ee hadda fariisimaha ka dhigtay ay bilaabaneyso wadashaqeyntoodu marka la kulmaan madaxda ugu sarsareysa ciidamada.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 1332 Views
-
Last post by tightrope
-
- 4 Replies
- 672 Views
-
Last post by tightrope
-
- 8 Replies
- 1016 Views
-
Last post by Pwani
-
- 2 Replies
- 481 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 493 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 593 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 591 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 8 Replies
- 1215 Views
-
Last post by gemini07
-
- 1 Replies
- 398 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 344 Views
-
Last post by musika man