First phase of oil exploration begins in Block 26
Posted: Thu Jun 07, 2012 7:31 pm
Oodweyne: Shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources Oo Bilaabay Qiimaynta Shidaal Baadhista.
Oodweyne (Ramaas) June 7,2012 - Saraakiil ka socotay shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources ayaa maanta gaadhay gobolka Oodweyne si ay halkaa uga soo qabtaan hawlo gogol xaadh u noqon doona bilawga sahanka shidaal baadhis dhowaan laga fulin doono.
Qoraal kooban shirkaduhu ku faahfaahiyeen safarkooda Oodweyne iyo ujeedadiisa ayaa u dhignaa sidan “Waxa maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Oodweyne saraakiil kasocotay shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources si ay halkaa uga soo qabtaan shaqooyin gogol xaadh u noqon doona bilawga sahanka shidaal baadhis dhowaan laga fulin doono.
Weftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Petrosoma Maxamed Yuusuf Cali Gurey ayaa waxa si diiran ugu soo dhoweeyay tuulada Xaaxi masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Yuusuf Ibraahim Geedi(Yamaarug) ,Gudoomiyaha Degmada Oodweyne Maxamed Cabdi Xaji Axmed iyo Waxgarad kale oo tiro badan.
Weftiga iyo Masuulyiinta Dawlada ee Gobolka Oodweyne ayaa waxay kormeer ku soo mareen degaamada laga fulin doono hawsha sahanka waxayna weftiga u balan qaadeen inay gacan ka siin doonaan shaqada ay u socdaan taas oo ay ku tilmaameen rajo wanaagsan oo u soo korodhay Qaranka Somaliland.
Geesta kale saraakiisha ka socday dhinaca shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources ayaa iyaguna cadeeyay sida ay ugu faraxsan yihiin soo dhowaynta ay kala kulmeen masuuliyiinta iyo shacbiga ku dhaqan Gobolka,waxayna tibaaxeen in shaqada ay qabnayaan dhowaan bilaabi doonaan.
Waa markii labaad ee wefti ka socda labada shirkadood ay tagaan Degaamada Gobolka Daad-madheedh,tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in hawlo shidaal qodisa ay ka fulinayaan somaliland.”
Ramaasnews Desk
http://ramaasnews.com/index.php/News/Ne ... hista.html