War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay gudaha u galeen degmada Ceelbuur, saacado kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Itoobiyaanka ee saddexdii bilood la soo dhaafay ku sugnaa magaalada.
Gaadiid dagaal oo fara badan iyo dagaalyahanada Shabaab ayaa galay gudaha degmada, iyagoo haatan ku sugan xarunta degmada, Saldhiga iyo saldhigyadii ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen.
Xaalad degenaansho ayaa ka jirta Ceelbuur, iyadoo rasaas u muuqata mid farxadeed ay Shabaabka cirka u ridayeen, iyagoo sheegaya inay jabeen Ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlusuna ee soo duulay.
Goor dhow ayaa la filayaa in Saraakiisha Shabaab ay dadka deegaanka meel fagaare ah kula hadlaan, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba in is bedelka ka jira magaalada uu saameyn ku yeesho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ay salka ku heyso khilaaf iyaga iyo Ahlusuna soo kala dhex galay, halka warar kalena ay tilmaamayaan in saanadii ay ka dhamaatay, isla markaana ay adkaatay in kolonyadooda saadka ay ka soo gudbaan deegaanada kale, markii dhowr jeer jidka loo galay.
Xiriiro aan la sameynay Maamulka Ahlusuna ayaa ka gaabsaday, inkastoo maalin ka hor la sheegay in Ciidamada Ahlusuna ay isaga baxeen Ceelbuur, saakayna Ciidamadii Itoobiyaanka ka ruuqaansaday.
Ciidamada Itoobiya ayaa ku kala dhaqaaqay labo wado oo kala aada Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, waxaana la sheegayaa in Ciidamada ugu badan ku sugan yihiin deegaanka Wabxo oo horay u joogeen, halkaasoo aanay wali ka bixin.
Al-Shabaab wali kama aysan hadlin in mar kale gacantooda ku soo laabato Ceelbuur oo horay ugu aheyd xudun, waana degmo muhiim oo istiraatiiji ah.
It looks like the war strategy of Harakat Alqeada worked perfectly, hindering ethiopian/ahlusunna convoys( carrying ammunition etc) to reach ceelbuur while attacking(hit and run attacks with 50-200 fighters) the enforcement troops on the roads.
This same strategy is applied to Afgooye Ahzab.
The Ahzab forces flee CeelBuur, Alqeada wins
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 400 Views
-
Last post by jalaaludin5
-
- 2 Replies
- 693 Views
-
Last post by cyanide
-
- 5 Replies
- 428 Views
-
Last post by American-Suufi
-
- 9 Replies
- 752 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 15 Replies
- 2695 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 1083 Views
-
Last post by generalka
-
- 42 Replies
- 2839 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 4 Replies
- 376 Views
-
Last post by union
-
- 0 Replies
- 201 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 4 Replies
- 491 Views
-
Last post by Shirib