
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta booqasho lama filaan ah ku tagay degmada Afgooye, iyadoo lagu wado in caawa Madaxweynaha markii u horeysay ku hoydo degmada Afgooye.
Booqashada Madaxweynaha ayaa ah tii labaad oo uu degmada Afgooye ku tago tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa abaarihii 3-dii galabnimo ka tagay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo halkaas lagaga galbiyay Kolonyada AMISOM iyo kuwa Ciidamada dowladda.
Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo Ciidamo badan oo la dhigay wadooyinka si aan caadi aheyn ay wadada ugu safnaayeen, inkastoo saameyn ciidan oo xowli ah laga dareemay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Koox Wariyeyaal ah oo la socda Madaxweynaha ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Kolonyadiisa ay si nabad ah ku gaareen degmada Afgooye.
Madaxweynaha ayaa hada ku sugan Beerta Sheekh Zaa'id, halkaasoo ay ku sugan yihiin saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sidoo kale qeybaha bulshada ayaa ka mid ah dadka ku sugan beerta Sheekh Zaa'id.