Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ku geeriyooday shalay Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii Soomaaliya ee miletarigii Soomaaliya ay afgabiyeen sanadkii 1969–kii, isagoo Soomaaliya muddo shan maalmood ah ka ahaa Madaxweyne KMG ah, xilligaasi oo aheyd sanadkii 1969-kii markii la dilay madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke oo askari ka tirsan ilaaladiisa uu ku toogtay magaalada Laascaanood.
Shiikh Mukhtaar oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka xilligii la dilay Madaxweynihii hore ee Somalia C/rashiid Cali sharma’arke ayaa sida uu qabay dastuurkii Soomaaliya ee xilligaasi markii uu dhintay Madaxweynaha waxa uu noqday Madaxweyne KMG ah inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub, laakiin shan maalmood ka dib geeridii Madaxweyne Sharma’arke waxaa talada afgembi kula wareegay koox saraakiil oo uu horkacayey Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidamada qalabka sida.
Waxa uu ku dhashay Shiikh Mukhtaar Maxamed Xuseen gobolka Bakool sanadkii 1912-kii, wuxuuna siyaasadda ku soo biiray xilligii gobanima-doonka Somalia, wuxuuna ka mid noqday dhalinyaradii ku biirtay xisbigii SYL ee dhalinyarada Soomaaliyeed sanadkii 1940-kii, isagoo markii dambe loo doortay sanadkii 1965-tii Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya, wuxuuna ahaa xubin baarlamaan oo laga soo doorto gobolka Bakool.
Shalay saacadu markii ay aheyd 7:30-kii subaxninmo ayuu ku geeriyooday Shiikh Mukhtaar guri uu ka deganaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya halkaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayey sida ay sheegeen eheladiisa.
Kulan deg-deg ah oo Golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen in marxuum Shiikh Mukhtaar uu ahaa mas'uul Qaran oo waddani ah, muddo saddex maalin ah calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo, loona sameynayo aas Qaran.
