Dr Cumar Salaad Cilmi receives a warm welcome ( PICTURES )

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

Dr Cumar Salaad Cilmi receives a warm welcome ( PICTURES )

Post by 1moonlight »

Masha Allah

ما شاء الله

بسم الله الرحمن الرحيم

Dr Cumar Salaad Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo shalay dib ugu soo laabtay dalka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee Soomaaliya ee sanadkaan la-qabanaayo.

Cumar Salaad Cilmi oo dib shalay Magaaladda Muqdisho ugu soo laabtay, ayaa wuxuu si weyn oo diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho, waxaana soo dhaweyntiisu ka qeyb qaatay Taliyihii hore ee Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya General Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya General Yuusuf Maxmed Siyaad “Indha Cadde”.

Siyaasiga Cumar Salaad Cilmi oo shalay shaaciyay in uu yahay musharax, ayaa wuxuu ka hadlay baahida ku kaliftay in uu xilkaan culus uu isu soo taagay, isla-markaana wuxuu sheegay inuu doonaayo inuu wax ka qabto xaaladda adag ee ka ka jirta dalka.

“Waxaan doonyaa in si daacadnimo leh aan wax ugu qabto dalkeega iyo dadkeega” ayuu yiri Cumar Salaad Cilmi, isagoona intaasi ku daray in wixii aqoontiisa ah uu ku hogaamin doono dalka iyo dadka Somaliyeed, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in kursiga madaxtinimada ee Soomaaliya lagu raadsado lacago iyo maal uruursi, balse isagu wuxuu sheegay inuusan sidaasi u socon, ee uu doonaayo sida uu sheegay inuu wax ka qabto xaaladda adag ee ka jirta dalka.

Sidoo kale wuxuu shacabka Somaliyeed uu ka dalbaday inay taageeraan tallaabada uu isu soo taagay, isagoona balan qaaday inuu la’imaan doono hawl-karnimo iyo hufnaan shaqo, haddiiba loo-doorto Madaxweynaha dalka.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image



Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image



Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image



Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
BlackVelvet
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 23249
Joined: Thu Mar 11, 2010 2:54 pm
Location: On Idman's mind

Re: Dr Cumar Salaad Cilmi receives a warm welcome ( PICTURES

Post by BlackVelvet »

What does this photo represent? All these men are not running are they?

Image
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Dr Cumar Salaad Cilmi receives a warm welcome ( PICTURES

Post by Executive »

^ Apart from Farmaajo they are all running. check this topic for all candidates. Page 1&2 viewtopic.php?t=307641&p=3688160
User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

Re: Dr Cumar Salaad Cilmi receives a warm welcome ( PICTURES

Post by 1moonlight »

BlackVelvet wrote:What does this photo represent? All these men are not running are they?

Image
Ilaa 10-musharax oo u taagan xilka Madaxtinada Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku shiray.

Musharixiin fara badan ayaa isku soo taagay xilka doorashada madaxweynenimadda Somalia ee soo socota,Waxaana maanta 10 kamid ah musharixiintaasi ku qabteen shir'jaraaid ayagoo ugu baaqay beesha caalamka inaysan DKMG u isticmaalin dhalaaha gargaarka caalamka doorashooyinka, Musharixiintaasi ayaa waxaa kamid ahaa Xaaji Maxamed Yaasiin, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere), Xuseen Khaliif Jaamac iyo C/faarax Shirdoon Saacid.

Haddaba Musharaxiintan oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo horay xilal Wasiiro uga soo noqday Xukuumadihii hore, qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada siyaasada iyo aqoonyahano ayaa si wada jir ah uga digay in guuldaro ku yimaado arrimaha geedi socodka Soomaaliya ee looga baxayo KMG.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si gaar ah loo eego Doorashada Madaxtinimo ee dalka, islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in la muujiyo sinnaan iyo cadaalad, isagoo tilmaamay in Doorashadaasi oo ay ka qeyb galayaan qeybo badan oo ay iyagu ka mid yihiin laga ilaaliyo wax yaabo keeni kara musuq maasuq iyo cadaalad darro.

Xasan Sheekh Max’ud oo ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Ergada ansixinaysa Dastuurka qaarkood ay yihiin kuwo aan sax aheyn, oo aan matalin beelaha Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale sheegay in Odayaashaasi hoggaanka dowladda ay amreen in aan lala kulmi karrin, taasina ay meesha ka saarayso dad badan oo musharixiin ah in Odayaashaasi ay la kulmaan.

Waa kullankii ugu horeeyay inta la xasuusto oo ay isugu yimaadaan Musharixiin u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, waxaana Xubnihii maanta kullanka ka hadlay ay sheegeen in kullamadoodu aan ku ekeyn kii maanta oo kaliya, balse qeybaha kala duwan ee bulshada muddooyinka soo aaddan ay kala hadli doonaan xaaladda dalka Soomaaliya.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Dr Cumar Salaad Cilmi receives a warm welcome ( PICTURES

Post by AhlulbaytSoldier »

Welcome back Cilmi and good luck with the elections. :up:
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Dr Cumar Salaad Cilmi receives a warm welcome ( PICTURES

Post by FarhanYare »

duuligaan (sheikh shariif) yaa naga fadhisiyo meel!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”