Council for Puntland fishermen in bossaso official been open

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Council for Puntland fishermen in bossaso official been open

Post by FBISOMALIA »

Image

Dalladda ganacsatada kaluumaysiga ee Puntland ayaa markii ugu horeysey xafiis ka furtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dalladan oo ay dhowaan dhistay rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntaland waxay xafiiskooda ka furteen gudaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha ee gobolka Bari.

Munaasabadii xafiiskan xarigga looga jarayey waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ay kamid ahaayeen wasiir ku-xigeenka amniga Cabdi Xareed, Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Yuusuf Muumin, Gudoomiye ku-xigeenka Rugta Maxamed Caydiid Jaamac iyo xoghayaha guud ee Rugta Axmed Ciise Maxamuud (Fayte).

Waxaana ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha dallada kaluumaysiga Cali Mire Xuseen isagoo sheegay in xafiiskani uu yahay mid u furan dhamaan ganacstada kaluunka.

Image
Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka xafiiskan uu si aad ah usoo dhoweynayo.

Wuxuuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in ganacsatadu ay midoobaan, rugta ganacsigana ay ka go’an tahay inay ku dadaasho sidii ay ganacsiga u horumarin lahayd.

Xafiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland, waxayna daladda ganacsatada kaluunku qayb ka tahay dalado dhowr ah oo ay rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland dhistay.
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: Council for Puntland fishermen in bossaso official been

Post by tightrope »

:up:
Image ImageImage
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”