
(Hadhwanaagnews) Monday, June 25, 2012
Saalax Cawed Cali huruuse oo ka mid ah Qurbajooga reer Somaliland gaar ahaa Qurbajooga Gobolkani Togdheer ayaa manta furay hudheel ka kooban dhawr dabaq oo dhismihiisu ka socday magaalada Burco sannadihii u danbeeyey ayaa loo Bixiyey Hotel Huruuse.
Burco: Hudheel Casri oo ka kooban dhowr dabaq ayaa Saaka laga Furay Burco, Iyo hudheelka oo Bilic aad u ballaadhan ku soo kordhiyey Magaalada.
Ugu Danbayntii Waxa munasibadda soo xidhay Mulkiilaha Hudheelkani Saalax Cawed Cali, waxaanu sheegay in Dhismahani ay ku baxday Lacag aad u badan, balse aanay waxba u arkaynin dhaqaalaha ku baxay ee ay u arkayaan uun bilic iyo service ay Gobolka ku soo kordhiyeen, wuxu sheegay in ay jiraan qurbajoog badan oo aan anigu bilow u ahaa oo iyaguna jecel inay maalgashi ku samaystaan Gobolka, kuwaasna loo baahan yahay in la soo dhoweeyo oo Bulshada Gobolka ay kala kulmaan soo dhoweyn iyo wada shaqayn, si kastaba ha ahaatee waxa muddooyinkan ugu danbeeyey ka socday magaalada Burco Dhismayaal dhaadheer oo bilic aad u badan leh iyo furista wershado iyo hudheelo casri ah, taasoo ay bulshada inteeda badani u arkaan horumar ay Burco samaynayso dhowr kan sannadood ee u danbeeyey.
http://hadhwanaagnews.com/
http://oodweynenews.com/news/182776-daa ... -furo.html