Sufis puts to death the murders of Faroole & his son
Posted: Thu Jul 12, 2012 8:40 am
AUN to Faroole & his son:
Maamulka Ahlusuna oo maanta ku qisaasay degmada Guriceel labo nin oo dilay Wiil iyo Aabihii
Maamulka Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maanta xukun qisaas ah ku fuliyay labo nin oo horay dil uga deegaanka Xaramka, iyagoo dilay wiil iyo aabihii.
Xukunkan qisaasta oo ka dhacay meel fagaare ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan, iyadoo labada nin ee dilka geystay ay ku cadaatay dambigooda.
Labada nin oo lagu kala magacaabi jiray C/qaadir Caato Mire iyo Xrise Cabdi Cabdulle ayaa 20-kii bishii May ee sanadkan ay ku dileen tuulo u dhow deegaanka Xaramka wiil iyo aabihii oo lagu kala magacaabayay Dahir Faroole Macalin faarax iyo Faroole Macalin faarax.
Gudoomiye kuxigeenka Golaha Fulinta Ahlusuna Sheekh Axmed C/llaahi Ilkcase oo ka hadlay xukunkan qisaasta ayaa sheegay in waajib ay aheyd in labada nin loo dilo, maadaama ay si ula kac ah dilka u geysteen, isagoo xusay in go'aanka ay lahaayeen ehelada labada dhinac sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in ehelada labada dhinac iyo waaxda Garsoorka ay isla garteen in la qisaaso ragga, maadaama ehelada ay dalbadeen, isla markaana ay doorashada lahaayeen in loo qisaaso.
Xukunkan qisaasta ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Maamulka Ahlusuna ka fuliyo deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay inta badan gacanta ku hayaan muddo afar sano ah.