Wafdi ka Socda Hay’ada UNMAS oo Maanta Gaaray Caabudwaaq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Wafdi ka Socda Hay’ada UNMAS oo Maanta Gaaray Caabudwaaq

Post by Adali »

Wafdi ka Socda Hay’ada UNMAS oo Maanta Gaaray Caabudwaaq “Sawiro”
admin | Jul 24, 2012 | 0 comments

Wararka ka Imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa Tibaaxaya in Mantaay Halkaasi Gaareen Wafdi Balaaran oo ka socda hay’ada UN-ka u Qaabilsan Miina Baarista Wafdigani maanta Soogaaray Magaalada Caabudwaaq Ayaa ka Kooban 4 Xubnood.

Wafdigani ayaa waxaa kusoo Dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Caabudwaaq Gudoomiyaha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Xasan Cabdi Calas “Xasan Caabudwaaq iyo Madaxa Arimaha samafalka Maamulka Ahlusunna Waljamaca Sh . mahad Khaliif Roblle iyo Qaybaha Bulshada Ku nool Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wafdigani ayaa Waxay kulamo la qaateen Masuuliyiin Maamulka Ahlusunna Iyo Kan dowlada Waxaana ay kala hadleen Sidii ay Xafiis oga samaysan lahaayeen Magaalada Caabudwaq Kaasoo ay ka Howl Gali doonaan Sidoo kale waxyaabihi ay kala hadleen ayaa waxaa kamid ahaa Inay qalabeeyaan Booliska degmada si ay u sugaan Amaanka Wufuuda Iyo Kan Magaaladaba.

Wufuudani Maanta soo Gaartay Magaalada Caabudwaaq ayaa la Filayaa in ay Kulamo laqataan Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Caabudwaaq Ayadoona ay ku sugnaan doonaan Caabudwaaq 24 ka saac ee soo socda Halkaasi.

Magaalada Caabudwaaq ayaa Waxaa Hay’ado Dhowra oo ka shaqeeya Dhinaca Miina Baarista Oga Furan Xafiisyo waxaana ay Noqonayaan Wafdigani Maanta kasoo Dagay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Caabudwaaq Kii ugu Balaarnaa ee Yimaada Magaalada Tan Iyo Markii Halkaasi laga Sameeyay Garoon Caalami ah.

>Wafdi Balaaran oo ka socday Hay’ada UNIMAS ayaa maanta gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Galgadud Halkaasi oo Ay Kulamo kula Qaateen Qaar Kamid ah Masuuliyiinta Degmadaasi.

Wafdigani ayaa la Filayaa inay saacadaha soo socda ku Sugnaan Doonaan Magaalada Caabudwaaq halkaasi oo ay ka Furan Doonaan Xafiis ay ka howl Galan ayadoona Ay Xusid Mudan tahay inay Degmadaasi ku sugan yihiin Hay’ado kale oo ka shaqeeya Dhinaca Miina Baarista.

Haba Hoos ka daawo Sawirada Waxaana Qaaday Wariye Bashiir Nadaaara



————————————–

Bashiir Nadaara Caabudwaaq
overseen by the mayor of Caabudwaaq.
Image
Image
vannessa
Posts: 1
Joined: Wed Jul 25, 2012 3:44 am
Contact:

diablo 3

Post by vannessa »

This is a really good read for me, Must admit that you are one of the best bloggers I ever saw.Thanks for posting this informative article.diablo 3
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”