
Nairobi: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay isagoo ku sugan dalka Kenya in uu yahay murashax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
Cali Max’ed Geeddi ayaa waxa uu sheegay inaysan shaki ku jirin in uu imaanayo dalka Soomaaliya, maadaama sida uu tibaaxay ay dad badan is waydiinayaan xilliga uu imaanayo Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Mr. Geeddi ayaa taageerayaashiisa ugu hambalyeeyay in uu imaanayo Muqdisho, uuna u taagan yahay xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, isagoo dhinaca kale dowladda KMG ah ugu baaqay inay xaqiijiso ammaanka Murashixiinta iyo taageerayaashooda, wuxuuuna intaasi ku daray in ciddii ay shacabka doorato ay dalka hoggaankiisa hanan doonto.
“waxa loo baahan yahay mar haddii doorasho ay dhaceyso in Madaxda hadda xilka ka haysa Dowladda inay is casilaan, kaddibna ay isa soo sharaxaan” sidaasi waxa yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG ah Cali Max’ed Geeddi.
Muqdisho waxaa soo gaaraya Mas’uuliyiin badan oo isu soo taagayay qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
