Musharaxa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo caawa afur u sameeyay ciidamadii naafada xooga Dalka soomaaliyeed kuwaasi oo Ku Naafoobay dagaaladii Soomaaliya iyo Ethiopia 77
afurka kadib Mr Farmajo oo Saaxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada naafada ay xaquuq gooni ah Ku Leeyihiin dalka waxaa uu sheegay in hadii uu ku guuleeysto xilka madaxtinimo ee Somalia ay ciidamadaasi helidoonaan xaquuqdi ay lahaayeen asagoona intaasi raaciyay in uu ku kalsoon yahay doorashada uu galayo beesha caalamkana ay ogtahay soomaalida waxa ay rabto iyo cida waxqabaneeyso.
musharaxa Farmaajo ayaa maalmo kahor soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoona ay soo dhaweyeen dadweyne aad ufara badan kuwaasi oo tageeraya musharaxa u taagan xilka madaxtinimo ee soomaliya.
http://www.risaala.net/view.php?id=6989
