Thousands of Federal Ethiopian troops arrive in Jigjiga
Posted: Wed Aug 22, 2012 7:23 am
Itoobiya iyo Somaliland oo xuduuda Ciidamo Dhoobay, Heegan culusna galiyay
Jigjiga oo ay xalay soo gaadheen Afar kun oo Askari oo ka tirsan Federalka iyo Somliland oo hawgalisay waxay awood Ciidan haysay
Telefishankii Kililka Shanaad oo ay Dawladda Federalka Itoobiya la wareegtay kana baxayaan Barnaamijyo kale
Hargeysa(Waaheen) Dawladda Federalka Itoobiya ayaa xalay deegaanka Somalida Itoobiya ee Kililka shanaad ku soo daad guraysay Kumanaan Askarta Federalka ka tirsan, kuwaas oo la sheegay xalayba inay soo gaadheen Jigjiga isla markaana ay xidhi doonaan Xuduuda Itoobiya ay la leedahay Somaliland.
Dhinaca kalena Xukuumadda Somaliland ayaa inta ay awoodeedu tahay Hawl galisay Noocyada Ciidamadeeda Heegan waxaanay dhoobtay Xuduudka dheer ee ay la leedahay Dalka Itoobiya. Laga soo bilaabo Saylac ilaa iyo Bariga Fog.
Talaabadan ay labada Xukuumadood qaadeen ayaa lagaga hor tagayaa si aan Cadawga labada Dal uga faa’iidaysan Nabadgelyo daro inay ka abuuraan mudada dalka Itoobiya ku jirto Tacsida loogu jiro Geerida Raysal Wasaarihii Dalkaas Ato Meles Zenaawi oo ay shalay Xukuumadda Itoobiya ku dhawaaqday inuu xaalad Caafimaad daro u dhintay.
Ma cada Heeganka labada Ciidan la galiyay inuu saamayn ku yeelan doono dhaqdhaqaaqii Dadweynuhu isaga kala gooshi jireen labada Dal iyo Inkale, hase yeeshee xaaladu waxay u muuqataa mid Feejignaan dheeraad ah lagaga yeelanayo isku day kasta oo wakhtigan lagu bartilmaameedsan karo in lagaga faa’iidayso Baroordiiqda Dalkaasi galay.
Dhinaca kalena, wararka naga soo gaadhaya Telefishankii Kililka Shanaad ee Dawladda Is maamulka Somalida Itoobiya ayaa la joojiyay Barnaamijyadii ka bixi jiray waxaana lagu duway Barnaamijyada Caadiga ah ee ka baxa Telefishanka Dawladda Federalka ah ee Itoobiya.
Si kasta ha ahaatee Itoobiya ayaa gashay marxalad cusub oo hogaan cusub uu taladii Dalka la wareegay, taasoo aan la garanayn halka ay saldhigu doonto iyo waxa iska bedeli doonaan Qaabkii hore ee Maamul iyo siyaasadii Meles Zenawi ee ahayd mid xeel dheer oo degan.
Inkasta oo aanay wali cadayn jihada ay Itoobiya u dhaqaaqi doonto, hadana waxa soo baxaya su’aalo iyo Faalooyin siyaasadeed oo lagu naaqishayo Hogaanka cusub isbedelada uu ku samayn doono hogaamintii iyo wadashaqayntii ka dhaxayn jirtay Melez iyo Somalida. Gaar ahaana Kililka shanaad iyo Maamulada kala duwan ee ka jira Somaliya.
Sidoo kale Mandaqada kale ee ay ka mid yihiin Dalalka Kenya, Eratariya iyo Masar ayaa iyana isha lagu hayaa Isbedeladda Siyaasadeed ee ay la yeelan doono Maamulka Cusubi.