Kadib dood iyo isjiid jiid maalmo qaadatay oo u dhexeysay guddiga xulista baarlamaanka, Sheekh Shariif iyo xafiiska UNPOS ayaa ugu dambeyntii waxaa xalay la fasaxay 27 xubnood oo ka mid ahaa taageerayaasha kooxda Aala Sheekh oo horey loogu diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub, sababo lagu sheegay inay shuruudaha buuxin waayeen.
Fasixida xubnahan 27 ah waxaa si rasmi ah u xaqiijiyey gudoonka guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka cusub, oo sheegay in arinta loo bedelay qaan qabiil sidaasi darteedna ay adkaatay in cid laga horjoogsado soo gelista baarlamaanka cusub.
Xubnaha magacyadooda la fasaxay xalay waxaa ku jira Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo horey u ahaan jiray wasiirkii arimaha gudaha DKMG (xilligii Cumar C/rashiid) sanadkii 2007 illaa 2009 ahaa gudoomiyihii dagaalyahanada Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho.
Sidoo kale waxaa shakhsiyaadka la fasaxay ku jira Xasan Macalin oo horey u ahaa wasiiru dawlihii madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo C/kariin Xasan Jaamac oo isaguna ahaa wasiirkii warfaafinta.
Warar si hoose u soo baxay ayaa sheegaya in weli aan la fasixin C/raxmaan Ibbi oo wasiir kalluumeysi soo noqday haddana ka mid ah dadka loo heysto inay hanjabaad u direen guddiga farsamada iyo C/casiis Sheekh Yuusuf oo isaguna ahaa wasiirka caafimaadka mudo labo jeer.
Dadaal weyn oo beryahan uu sameeyay Sheekh Shariif ayaa dhaliyey in xubnahan loo ogolaado inay baarlamaanka galaan, waxaanamaqnaashahooda loo arkay dharbaaxo weyn oo ku timaada ololaha madaxtinimada Sheekh Shariif waayo iyaga la’aantood way adkaan lahayd in cod fiican uu Sheekh Shariif ka helo baarlamaanka ay ku tirada bateen taageerayaasha C/weli Gaas iyo Shariif Xasan.
Celinta xubnahan oo markii hore loo daliishaday dagaal oogayaalnimo iyo u ogolaanshahooda oo haddana loo maray hab qabiil waxay qeyb ka tahay dagaalka u dhexeeya musharixiinta saddexda ah ee kala ah Shariif Xasan, Shariif Axmed iyo C/weli Gaas. Waxaana loolanka ka ku xiga uu noqon karaa midka baarlamaanka dhexdiisa ah maadaama ay hadda arinta ka soo gudubtay banaanka baarlamaanka.
http://www.raxanreeb.com/2012/08/ku-dho ... dambeeyay/
its over now. President Shariif Axmed 2012
