Baardheere ( DHM-News ):- Diyaaradaha dagaalka Kenya maalintii shalay ee Khasmiista duqayn ayey ka geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Duqayntaasi oo ahayd mid arxan darro ah waxaa ku geeriyooday hal ruux, waxa uu dhaawac kasoo gaaray saddex carruur ah oo isku qoys ah.
Diyaaradaha ayaa beegsaday guryo ay ku jiraan dadka rayid ah, halkaasi kama agdhowayn saldhigyo ay leeyihiin Al shabaab haddii la oran lahaa in bartilmaameedyo iyaga ahaa.
Dad badan ayaa la yaaban sababta looga aamusan yahay dhibaatada ay Kenya u geysanayso carruurta Soomaaliyeed ee maalinta kasta ku dhimanaaya duqaymaha ay geystaan diyaaradaheeda dagaalka.


There is no doubt that Somalia is islamic country and it will never be ruled by disbelievers even if they use a dabadhilif disguised as imam.




