Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.
Hadalkan ayuu madaxweynuhu jeediyay kaddib markii uu shalay socod kusoo kala bixiyay xafiisyada madaxtooyada iyo xafiisyada wasaaradaha dowladda, isagoo ay weheliyeen madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
"Waxaan rabaa inaan halka ka caddeeyo in isbedelka dhinaca madaxda ah ee dhacay aysan wax saameyn ku yeelanayn shaqaalaha dowladda. sidii hore ayaad u shaqeynaysaan, qofkii la yimaada wax lagu bedelo ayaa la bedeli doonaa," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha dowladda u sheegay inasy markii hore u shaqeynayn Shariif, balse ay Qaranka u shaqeynayeen maantana ay sidii oo kale Qaranka ugu shaqeynayaan, isagoo meesha ka saaray in shaqaalaha dowladda la eryi karo.
"Haddii shaqaale meel laga bedelo meel kale ayaa loo bedelayaa, shaqaaalaha dowladda xuquuq ayay leeyihiin lamana eryi karo," ayuu yiri Xasan Sheekh oo ku boorriyay shaqaalaha dowladda inay howlahooda dardar-geliyaan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa madaxtooyada ay dhibaatooyin badan soo mareen, aysanna guryahooda aadin muddo sannado ah.
Shariif Sheekh ayaa lagu wadaa inuu wareejiyo xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana loo adkaaday wareeggii ugu dambeeyay doorashadii madaxnimo ee dalka oo ay ku tartameen madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Somali President: Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku y
Moderator: Moderators
Re: Somali President: Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn
Tallaabadani uu qaaday madaxweynuhu waa mid wanaagsan. Dhisitaanka waaxyaha dowladaha waxaa ugu muhiimsan aqoonta iyo indheer-garadnimada dadka ka shaqeeya. Shaqaalaha dowladda ee maanta waxaa ku jira dad ,sida kuwa warfaafinta, oo joodariyaal ku jiifan jiray bilo, indhohoodana saarin qoysaskooda, qatarna isugu hordhigi jiray shaqadooda awgeed.
Mid walba oo cusubi hadduu dad cusub la imaado waxaa curyaamaya adeegyada.
I'm very happy about this on behalf of the civil servants. I'm also glad that he told them that incompetent workers will be dealt with.
Mid walba oo cusubi hadduu dad cusub la imaado waxaa curyaamaya adeegyada.
I'm very happy about this on behalf of the civil servants. I'm also glad that he told them that incompetent workers will be dealt with.
Re: Somali President: Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn
Let us hope he gets succes Inshallah

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 471 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 590 Views
-
Last post by jamols2
-
- 1 Replies
- 257 Views
-
Last post by Captain24
-
- 6 Replies
- 1129 Views
-
Last post by Shankaroon_614
-
- 4 Replies
- 738 Views
-
Last post by Sheikh Mustafa
-
- 1 Replies
- 330 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 0 Replies
- 587 Views
-
Last post by afisoone
-
- 6 Replies
- 552 Views
-
Last post by djibsomali
-
- 0 Replies
- 263 Views
-
Last post by hanqadh