Xaqsoor finishes first

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Xaqsoor finishes first

Post by Khalid Ali »

Komishanka oo ka hadlay Ururadda iyo Xisbiyadda ee u soo gudbiyay Liisaskii Murashixiintooda

September 14th, 2012

Hargeysa (Somaliland.Org)-Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa caawa shaaca ka qaaday magacyadda Ururadda iyo xisbiyada soo gudbiyay murashaxiintooda Goleyaasha deegaanka dalka ee gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

Afhayeenku wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu caawa siiyay shabakada wararka ee Somaliland.Org, waxaanu tilmaamay inay 6:00 cawaynimo ee caawa la soo gabo-gabeeyay qabashada liiska murashaxiinta xisbiyada iyo ururadda siyaasadda uga qeyb galaya tartanka doorashada, isagoo arrintaasi ka hadlyayna wuxuu yidhi “6:00 cawaynimo ee caawa ayay si rasmi ah u xidhan tahay wakhtigii qababashada liisaska murashaxiinta Goleyaasha deegaanka dalka, waxaana caawa soo wada xareeyay oo dhamaystiray murashaxiintoodii 7 Urur iyo xisbiyo iskugu jira.”

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka oo ka hadlayay magacyada ururadda soo gudbiyay murashaxiintoodii wuxuu yidhi “Waxa dhamaystiray oo aanu ka qabanay liisaskoodii murashaxiinta doorashada deegaanka DALSAN, KULMIYE,RAYS, UCID,UMMADDA, WADANI iyo XAQSOOR.”

Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu sheegay in aanay wax liisas ah u soo gudbin Xisbiga UDUB iyo Urur- siyaasadeedka NASIYE, oo uu tilmaamay inay hore u sheegeen inay qaadaceen ka qeyb galka doorashada deegaanka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”