Jubbaland Delegation Reaches Mogadishu To Meet President

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Jubbaland Delegation Reaches Mogadishu To Meet President

Post by Murax »

Xubnihii Gudiga maamul usameynta Jubooyinka iyo Gedo oo saaka u ambabaxay Muqdisho(warbixin)
October 23, 2012 // admin1 // News

Xubnihii gudiga farsamada maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Muqdisho.Guddigan oo markii hore tiradoodu ahayd 25 xubnood ayaa laga soo reebay 9 xubnood kadib markii uu arintaas soo codsaday madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud.Sagaalkan xubnood waxay matalayaan dhamaan beelaha dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxayna iyagoo ku hadlaya magaca dadka deegaanka shir wadaxaajood ah Villa Somalia kula geli doonaan madaxweynaha DF.

Xubnaha gudiga farsamada ee saaka usafray Muqdisho waxaa kamida Awlibaax, Mukhtaar Dheere, C/casiis Maxamuud iyo 6 xubnooda oo kala matalaya beelaha Gaaljecel,Cawrmala,Biyamaal,Baajuun iyo Ajuuraan.

Marka uu soo idlaado kulanka wafdiga iyo madaxweynaha waxay xubnuhu dib ugu soo laaban doonaan magaalada Nairobi kadibna la isu diyaarin doonaa sidii ergada shirweynaha loogu daad gureen lahaa magaalada Kismaayo.

Wixii war ah oo kasoo baxa kulanka madaxweynaha DF iyo xunaha gudiga farsamada ee maamul usameeynta Jubooyinka kala soco warrkaanaga dambe inshaa Allah.

Dhanaan.com
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Jubbaland Delegation Reaches Mogadishu To Meet President

Post by original dervish »

good news :up: :som:
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Jubbaland Delegation Reaches Mogadishu To Meet President

Post by Murax »

Wafdi ka socda Gudiga Maamul usameynta Jubbaland oo Muqdisho garay kulana la leh Madaxda Somalia
admin | Oct 23, 2012 | 0 comments
Guji

Waxaa manta Magaalada Nairobi ka anbabaxay Wafdi Balaaran oo iskugu jira guud ahaan Beelaha Jubboyinka waxaana wafdigaasi ay adeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Somalia.

Wafdigaan ayaa waxaa uu ka koban yahay 9 xubnood oo midba beel uu ka socda waxaana horkacaya Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax waxaa sido kale ka mid ah Mukhtaar Dheere Muqtaar dheere oo ka socda beesha Ogaden iyo 7 xubnood oo aan wali magacooda la helin ayado 7 daas xubnood na midba beel matalayo.

Wafdigaan ayaa galabta galinki danbe garaay magaalada Muqdisho waxaana lagu wada in caawa ila Bari subax ay la kulmaan Madaxweynaha Somali iyo R/wasaarha Somalia ayago kala hadlaya halka ay marayso Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Lama saadaalin karo halka ay saldhigandoonan wada hadalada dhex mari doona Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Madaxweynaha iyo R/wasaaraha balse Kismaayo24 waxaay idin balan qadaysa in ay idin soo tabiso natijooyinka ka soo baxa Kulamadan xasaasiga ah ee dhexmari doona labada dhinac ee aan kor ku soo Shegnay.

Ugu danbeyn wafdigaan ka soo dulay Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu wada in uu bari galab ku laabto Magalada Nairobi ka dib na u anbabaxo Magaalada Kismaayo halkaas oo lagu wado in bisha soo socota 1 deeda u ka furmo Shirweynaha Maamul usmaeynta Jubboyinka iyo Gedo.

————————————-

Axmed Nuur Maxamed

Muqdisho-Somalia
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Jubbaland Delegation Reaches Mogadishu To Meet President

Post by original dervish »

The "president" and his Hawiye Action Group buddies, should be given an offer he can`t refuse. 8-) :up: :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”