Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadii hore iyo madaxda Maamulada degmooyinka Gobbolka Banaadir, waxaana munaasabadaasi ay ahayd mid si rasmi ah maanta xariga looga jarayay Bacadlihii Xamarweyne kaasoo bilihii la soo dhaafay dayactir uu ku waday Maamulka gobbolka Banaadir.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Xamarweyn ayaa ka faa’ideysanaha Bacadlaha ee maanta dib loo furay, waxaana Bacadlaha uu ka koobanyahay 10056 qol, 4-maqaayadood, 24-Musqulood, Bangi iyo saldhiga.
20-kii sano ee la soo dhaafay Bacadlaha Xamarweyne ee maanta dib loo furay ma uu san shaqeynaynin sababa la xariira dagaaladii sokeeye oo saameyn ballaaran ku yeeshay.

