Jimce wanaagsan.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Jimce wanaagsan.

Post by ina aadan »

Jimcaha waa maalin fadli badan, waayo waa ciidda muslimiinta, waa maalin ay muslimiinta ku kulmaan masaajidka iyagoo kakala yimi meelo kala fog si ay u dhagaystaan xuska Alle iyo wacdiga Imaamka. Qofka haduusan dhageysan wacdi muddo dheer qalbigaamirira marka xigana ka awdma kheyrka.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Ragga hadii eeyan ka joogin ka tegidda ay ka tegeyaan salaadaha jimcooyinka Ilaahay ka dabooli doonaa quluubta, kadibna waxay noqonayaan kuwo kheyrka halmaansan.
Jimcadu waxay ka mid tahay xilliyada samadu furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Ilaahay kor ahaaye ka aqbalayo ducada.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u kheyr badanmaalinta jimce, waayo waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay,waana maalintii xageeda laga soo bixiyey, qiyaamaduna dhici mayso maalinaan jimco aheyn. Sidaa awgeed Alle kor ahaaye wuxuu noo dardaarmay in loo degdego salaadda jimce marka laysugu yeero

Wuxuuna Alle yiri: Kuwa Alle iyo xaqa rumeeyow marka la adimo salaadda jimce u degdega xuska Alle kana tagawax kala iibsiga saasaana idiin kheyr roon haddaad tihiin kuwo wax garanaya.

Haddaba waxaa habboon in loo darbado jimcaha oo qofka muslimka ah uu qubeysto oo weyso qaato, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajibay inuu qubeysto maalinta jimcaha iyo inuu ku labisto dharkiisa kuwa ugu wanaagsan, iyo inuu iscarfiyo hadduu heli karo.

Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la wacdiyo lana waaniyo waxaa waajib ah in la dhageysto khudbada imaamka, mana banaana in la hadlo ama la buuqo intey khudbadu socoto nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Jimcaha markuu Imaamka khudbeynayo, haddaad saxiibkaa ku tiraahdo "aamus" hadalkaagu waa mid micno darro ah.

Hadduuse qof qaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto kadibna si xigmad leh loogu sheego.

Xigasho Aflax.net
User avatar
Rabshoole
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10610
Joined: Fri Nov 30, 2001 7:00 pm
Location: Midwest

Re: Jimce wanaagsan.

Post by Rabshoole »

Jazakallah Khyr for sharing that with us, and jimco wanaagsan. :up:
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34541
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Jimce wanaagsan.

Post by Hyperactive »

khair Allaha ko seeyo inadeer. Allaho thonobtena daaf and hamoom teena iyo korbadana naku badal far7ad iyo ra7mah from Allah.
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: Jimce wanaagsan.

Post by siren »

Jimco Wanagsan Inadeer..
User avatar
greenday
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12366
Joined: Wed Jul 28, 2010 10:31 am
Location: Ruux bukaanka ku nacay, adoo bahan katagay....Ala barasho, barasho wacanaa!

Re: Jimce wanaagsan.

Post by greenday »

Wanaagsan oo wacan :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”