Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMOSOM Cali Aadan Xumud oo wareysi gaar ah siiyay warkii.com ayaa waxa uu kahadlay arimaha Ciidamada AMISOM.
Waxaana uu sheegay in la dhameestiray Ciidamadii kasocday Jabuuti oo dhawaan lagaarsiiyay Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwii kaharsanaa Ciidamadaasi waxaana uu shaaca ka qaaday Afhayeenka in ciidamadii harsanaa loo dhameestiray agabkooda ciidan.
Waxana uu hoosta ka xariiqay Afahayeenka AMISOM in dhawaan lagaarsiin doono Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyn oo ay haatan halkaasi ku sugan yihiin Ciidamo badan oo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowlada Jabuuti.
Dhinaca kale waxa uu kahadlay Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMOSOM Cali Aadan Xumud qorshe ay Saraakiisha AMISOM ay ku doonayaan in ay Ciidamo Boolis ah ay ku geenayaan Gobolka Jubada Hoose.
Waxaana uu sheegay in ay qorsheeyeen Ciidamo kasocda Midowga Afrika ee AMISOM lageen doono Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Ciidamo Boolis ah oo kasocda AMISOM kuwaas oo uu sheegay in kubiirayaan Ciidamada kala ee halkaasi jooga gaar ahaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee kusugan si ay kala qeyb qaataan sugida amaanka Gobolkaasi.
Waxaana uu ugu dambeentii shaaca ka qaaday in ay ka go’antahay in ay Ciidamadaan Booliska ee lageendoona halkaasi in ay ka qeyb qaataan sugida amaanka ee Gobolkaasi.
Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay haatan kusugan yihiin Gobolo badan oo katirsan Dalka Soomaaliya kuwaas oo kaqeyb qaadanaya sugida amaanka ee Goboladaasi ay kusugan yihiin
http://www.warkii.com/amisom-oo-ciidamo ... ada-hoose/


Amisom soldiers take orders from President Xasan and never mingle in Somalia´s internal politics

