Ciidamada Kenya oo dekada Kismaayo ka wareejiyey dhuxushii taalay.
Ciidamada Kenya oo dekada Kismaayo ka wareejiyey dhuxushii taalay.
Nov 18, 2012 - 1 Jawaab
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dhuxushii taalay dekedda magaalada Kismaayo ee xanibaadda lagu soo rogay dhoofinteeda ay ciidamada Kenya ee Kismaayo la wareegay ay ka daabuleen dekadda Kismaayo.
Wararku waxa ay sheegayaan in dhuxushaas ay ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay u wareejiyeen dekadda magaalada Mambasa ee dalka Kenya, halkaas oo la doonayo in looga sii gudbiyo Dubai.
Dowlada Kenya oo la safatay mid ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka oo ah beesha Ogaadeen oo ay ka soo jeedaan Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa weji gabax siyaasadeed oo xoog leh kala kulantay arrintan ay ku dhaqaaqeen ciidamada Kenya.
Dhuxushii taalay dekeda magaalada Kismaayo ayaa lagu qiimeeyay lacag dhan 20 milyan oo dollar, waxaana arinta dhuxusha haatan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya u jooga saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaas oo doonaya in Kenya ay caddeyn buuxda ka bixiso halkii ay ku dambeysay dhuxushii taalay dekedda magaalada Kismaayo oo hore loo joojiyay in la dhoofiyo.
Arrinta dhuxusha ayaa la filayaa in ay dowlada Kenya ku keento culeys siyaasadeed oo aad u weyn maadaama hore loogu amray in ay joojiso dhoofinteeda waxaana suuragal in kulan deg deg ah ay arintan ka yeeshaan dalalka IGAD iyo Guddiga Amniga ee Midowga Afrika AU.
Waxaa la filayaa in arrinta dhuxusha ay saameyn xoog leh ku yeelato xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Breaking news Kenya moves $20 mil charcoal to Mombasa
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Breaking news Kenya moves $20 mil charcoal to Mombasa
cool poison what are you going to do about it? Marexan and HG were destroying the vegetation for the past decade.Lower Juba is not Galgaduud.
The Charcoal will be sold to whoever we like and any Dusamareeb folk seen cutting trees will be shot at sight.
The Charcoal will be sold to whoever we like and any Dusamareeb folk seen cutting trees will be shot at sight.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Breaking news Kenya moves $20 mil charcoal to Mombasa
The money raised should be used to equip a battalion to defend the J/Land border. 

Re: Breaking news Kenya moves $20 mil charcoal to Mombasa

CoolPoisons wrote: waxaana arinta dhuxusha haatan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya u jooga saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaas oo doonaya in Kenya ay caddeyn buuxda ka bixiso halkii ay ku dambeysay dhuxushii taalay dekedda magaalada Kismaayo oo hore loo joojiyay in la dhoofiyo.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1361 Views
-
Last post by original dervish
-
- 13 Replies
- 698 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 2 Replies
- 482 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 15 Replies
- 1449 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 3 Replies
- 556 Views
-
Last post by snoop123
-
- 0 Replies
- 474 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 358 Views
-
Last post by newsbot
-
- 0 Replies
- 368 Views
-
Last post by newsbot
-
- 27 Replies
- 2176 Views
-
Last post by original dervish
-
- 1 Replies
- 620 Views
-
Last post by Baad