Wafdigu waxay booqdeen dhismayaal taariikhi ah oo ku yaala qaar ka mid ah magaalooyinka gobollada sanaag iyo Haylaan ee Puntland, waxaase laga xusi karaa oo ay tageen wafdigu intii ay ku sugnaayeen gobolka Sanaag dhismayaasha qubuubaraha ee ay ku aasan yihiin Sheikh Abdirahman bin Isma'il al-Jabarti,Bin Daarod Ibrahim Ali-Zeynulabideen bin Ahmad bin Abdallah bin Muslim bin Abdallah bin Mohamad bin Aqeel bin abu-Talib Bin Abdi-Mutalib (Bin Hashim) iyo Xaaskiisa Doon-biro direed oo ahaa faracii ay kasoo unkameen dadka ku abtirsada beesha Daarood Ismaaciil ee Soomaaliyeed .
Waftigu waxay marka hore ku hormareen qabriga uu ku duugan yahay allaha unaxariistee Sheekh C/raxmaan bin Ismaaciil Daarood Ibrahim Ali-Zeynulabideen bin Ahmad bin Abdallah bin Muslim bin Abdallah bin Mohamad bin Aqeel bin abu-Talib Bin Abdi-Mutalib (Bin Hashim) kuyaala inta udhexeysa degmooyinka Badhan iyo Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, Iyadoo ay kula kulmeen wadaado gacanta ku haya qabriga Sheekha.
Wasiirka waxbarashada Puntland C/ Faarax Siciid ‘Juxa iyo iyo xubnaha kale ee waftiga waxa ay gudaha ugaleen Masjid yar oo uu ku dhexyaala qabriga Sheekha oo si qurxoon loo xardhay, Waxaana ay kula kulmeen nin sheekha oo si gaar ah u ilaaliya goobta uu qabrigu kuyaalo ah.
Sidoo kale wasiirka waxbarashada Puntland Juxa iyo waftigiisa waxa ay xilli uu gabalku sii dhacayo booqdeen Qabriga ay ku duugan tahay allaha unariistee Doon-biro direed oo ahayd Xaaskiisa udhaxday Sheekha, Waxaana qabrigeeda uu kuyaalaa meel banaan ah oo ku dhow degmada Badhan ee gobolka Sanaag.
Wafdiga Wasiirka Waxbarashada puntland markii ay kormeerayeen qabriyada Eebe ha u raxmadee Sheikh C/raxmaan Ismaaciil Daarood iyo Xaaskiisa Doon-biro direed oo ah qubuuro taariikhi ah aadna looga shaqeeyo xilli walba, gacantana lagu hayo way u duceeyeen waxayna alle uga baryeen in uu naxariista jano ka waraabsho.


soure: Puntlandi.com