Banka JSL oo sheegey inu mamulayo Sarifka Dolarka

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Banka JSL oo sheegey inu mamulayo Sarifka Dolarka

Post by Khalid Ali »

baanka dhexe jsl oo ka war bixiyay hawlgal uu ku maamulayo sarifka doolarka


Gudoomiyaha Bangiga dhexe JSL ayaa ka Warbixiyey hawlgallo Baanka Dhexe uu ku maamulayo Sarifka doolarka oo maalmihii la soo dhaafay kor u kacay suuqyadda sarifka lacagaha.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe JSL Md. Cabdi Dirir Cabdi ayaa ka Warbixiyey hawlgallo Baanka Dhexe uu ku maamulayo sarifka doolarka oo maalmihii la soo dhaafay kor u kacay suuqyadda sarifka lacagaha. Md. Cabdi Dirir Cabdi waxa uu sheegay in uu wakhtigan oo ay hoosayso hawlaha shaqada dekedda Berbera ee dhoofka iyo soo dejinta ( Import and Export ) ay saamayn ku keentay qiimaha sarifka doolarka balse uu hoos u dhaco qiimaha sarifka doolarku mar ay shaqada Berbera ay badan tahay marka ay ka dhoofayaan xoolaha nooli , waxa uu sheegay in ay hoos u dhacdo qiimaha sarifka Doolarku . Gudoomiye Mr. Cabdi Dirir waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa isaga oo sii wadda in ay Suuqyadda ay galiyeen Lacag ay ku jabinayaan Doolarka kaas oo maalmihii ugu danbeeyay laga dareemay suuqyadda dalka oo dhan gaar ahaan caasimadda oo qiimaha doolarku hoos u dhacay taasi oo ay ku timid dedaal dheeri ah oo ay arrinkaasi ka halgaleen.

Gudoomiye Mr Dirir waxa uu raaciyay intaas oo uu yidhi, "Muddadii labadda sanno iyo badhka ahayd ee uu xilka Baanka dhexe hayey Mr. Dirir uu isbedel la taaban karo sameeyay sida in laga bedelo lacagtii giinbaarta ahayd Goboladda Bariga JSL iyo sumcaddii Baanka oo kor u kacday muddadaas isaga oo sheegay in uu Baanku sameeyay raasamaal iyo shuruuc lagu hago Baanka oo ku salaysan habka Baananka caalamka. Waxaanu sheegay in uu soo dhaweynayo ganacsatada dalka ee xisaabaha lacageed ka furan jiray sharikado madaxbanaan ama gaar loo leeyahay waxa uu yidhi, Baanka Dhexe ayuu nin kasta oo ganacsade ahi ka furan karaa iyada oo baanku adeeg hufan u fidin doono.

Ugu danbeyn Md. Cabdi Dirir waxa uu sheegay in uu dhawaan safar ku tegi doono Gobolka Sanaag si uu Hawlaha isbedelka lacagta giinbaarta uu uga hawlgeli lahaa taasi oo ay ku xigi doonaan gobolka kale ee Sool. Waxaanu sheegay in ay xukuumaddu ahmiyad siinayso dedaaladaas noocaas ah.
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Banka JSL oo sheegey inu mamulayo Sarifka Dolarka

Post by X.Playa »

isaga oo sii wadda in ay Suuqyadda ay galiyeen Lacag ay ku jabinayaan Doolarka kaas oo maalmihii ugu danbeeyay laga dareemay suuqyadda dalka oo dhan gaar ahaan caasimadda oo qiimaha doolarku hoos u dhacay taasi oo ay ku timid dedaal dheeri ah oo ay arrinkaasi ka halgaleen.

loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool

How , i'd love to for somebody to explain this crazy monetry policy to me, somaliland has no goverment bonds , so how do exactly the bank of somaliland injects capital into its market .

qaad-wale talk.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”