Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda Xoghayaha Arrimmaha Dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ay si rasmi ah u shaaciso in Dowladda Mareykanka ay siineyso aqoonsi buuxo Dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta la filayaa in uu ka hadlo xaruunta CSIS (Center for Strategic and International Studies) ee magaalada Washington.
Hiiraan Online kala soco faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan socdaalka Madaxweynaha.

