sterio typing of women across somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

sterio typing of women across somalia

Post by sahal80 »

not from my experience just from what i heard though i have seen some cases.
Woman from north: she likes the powerful sayid, strong man and cant live with weak man. she encourages and contributes.
Woman from mudug, central somalia is a bossy wife, dominant, likes a weak softer man, she is too headstrrong, stubborn.
Woman from south central is comfortable with.
Woman from banaadir and south of banaadir relies on her husband
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: sterio typing of women across somalia

Post by sahal80 »

this is funny story
a guy loves a divorced woman then he tells his dad. The dad says maandhow this lady has experience oo ma dhaqan kartid ayadaa ku dhaqan hadii kale just find some virgin and come back to me. He insists so the dad says ikhtiyaarkaa. waxaase ku dhahaa naaga waa galgashaan when having jamaac so take this xarig oo jilibka ooga xir. the guy goes with that advice but the new wife says war aniga si reer loo dhaqo waa aqaan ee xarig beelee the guy says dad was right next

He he picked a virgin girl but was abit old she heard some stuff from her married friends so she knows the business she said war aniga intaa arkey reero isqabo waxaan ma maqlin ee xarig beelee
Now he goes back to his dad the dad says i meant a young virgin
He now picks the young virgin so markuu xarga lasoo baxey she said saamaa la sameeyaa dadka isqabo he said haa saasaa lasameeyaa
One night he forgot xariga ayadiina lugta soo taagetey he said ow i forgot xariga caadiwaaye halkoo cawo she said no aniga hadaa la ixirin ma ii soconeeso
Means waa dhaqdey kkkkkkkkkkk that was dads wiadom
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: sterio typing of women across somalia

Post by grandpakhalif »

kkkkkkkkk sheeko funny weeyey.

hiiraan woman are they like mudug women? or mixture of benadir caucausoid woman?
User avatar
BlackRain
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4196
Joined: Thu Sep 13, 2012 1:06 pm

Re: sterio typing of women across somalia

Post by BlackRain »

grandpakhalif wrote:kkkkkkkkk sheeko funny weeyey.

hiiraan woman are they like mudug women? or mixture of benadir caucausoid woman?
War ninyahow translate for me. Waan ku wareeray :pacspit:
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: sterio typing of women across somalia

Post by grandpakhalif »

BlackRain wrote:
grandpakhalif wrote:kkkkkkkkk sheeko funny weeyey.

hiiraan woman are they like mudug women? or mixture of benadir caucausoid woman?
War ninyahow translate for me. Waan ku wareeray :pacspit:
read the somali properly 3 times its actually pretty funny and wise story.
Minneapolis Mayor
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3576
Joined: Sun Jul 27, 2008 5:22 pm

Re: sterio typing of women across somalia

Post by Minneapolis Mayor »

There is this Dhaanto which goes,

Garoob saddex goor lasoofuray iyo, Gashaanti gabawday guur maleh,

kabax, kabax, kabax, kabax,
User avatar
Corruption1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1297
Joined: Fri Mar 04, 2011 8:30 pm
Location: London

Re: sterio typing of women across somalia

Post by Corruption1 »

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo wuxuu dhashay sannadkii 1936kii tuulada Dheryalay oo ka tiran degmada Ballidhiig ee gobolka Togdheer. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku dhamaystay magaalada Shiikh. Waxbarashadii dugsiga sarena wuxuu ku qaatay magaalada Boorame.

Markuu waxbarashadiisa dugsiga sare dhamaystay sannaddii 57kii Mr. Siilaanyo wuxuu u kicitimay dalka Ingriiska halkaasuu ka sii watay waxbarashadiisii sare. Sannadkii 1958kii-60kiina wuxuu magaalada London ee carriga Ingiriiska ku qaatay waxbarashadii diyaar garawga jaamacadda ee advanced level. Sannadkii 1960kii wuxuu waxbarashadiisii jaacamadeed ka bilaabay Jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska waxaanu bartay cilmiga dhaqaalaha Sannadku markuu ahaa 1965kii wuxuu jaamacadda Manchester ku dhamaystay waxbarashadiisii jaamacadeed waxaanu ka qaatay ashahaada sare ee Masterka.

Mr. Siilaanyo markuu dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadeed wuxuu Kusoo noqday dalka si uu cilmigiisa uga faa’ideeyo dalkiisa iyo dadkiisaba. Waxaanu dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Somaliya kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin kuwan hoose:


SHAQADA IYO WAAYO ARAGNIMADA:


1965kii wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

1969kii-1973kii Mr. Siilaanyo wuxuu ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka
1973-1978 wuxuu ahaa Wasiirkii Ganacsiga
1973-1980 wuxuu ahaa guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha ee Qaranka 1980-1982kii wuxuu mar labaad noqday Wasiirka Ganacsiga.

Mr. Siilaanyo oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee ka socday Dhinaca gudaha Somaliya, ka dib markuu u adkaysan waayey dhibaatadii iyo dibin daabadii Siyaad Barre ku hayey ummadda Somaliyeed gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Somaliland, wuxuu sannadkii 1982kii go’aansday inuu dalka ka baxo oo ka qayb qaato halgankii dhinaca ka ahaa kaligii taliye Siyaad Barre si ummadda looga xoreeyo nidaamkii kali talisnimo.

Isla intuu Mr. Siilaanyo joogay London wuxuu lecturer ka bixin jiray Jaamacado ku yaal Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu olalayn jiray qaddiyada xornimo udirirka ee uu gadhwadeenka u ahaa ururkii SNM.



HALGANKII SNM IYO DOORKUU KA QAATAY:


Isla markuu Mr. Siilaanyo dibadda u baxay wuxuu ku biiray halgankii dheeraa ee ummadda lagaga xoraynaayey taliskii Siyaad Barre waxaanu SNM kasoo qabtay xilal kala duwan.
Isla sannadihii 1982-1984 wuxuu noqday guddoomiyaha ururkii SNM ee laanta London. Wuxuu kaloo intuu London joogay u doodi jiray xuquuqda aadmiga ee ku tacadiyi jiray taliskii markaas talada hayey waxaanu la shaqayn jiray ururada xuquuqda aadmiga ee African Watch iyo Amnest International.

Mr. Siilaanyo oo ahaan jiray guddoomiyihii hore ee SNM 1984-1990 waxaa Lagu tilmaamaa inuu yahay guddoomiyii ugu wakhtiga dheeraa uguna fir fircoonaa ee soo qabta talada ururkii SNM. Intuu SNM ka madaxda ahaa wuxuu ururku guul balaadhan kasoo hooyey halgankii ballaadhnaa ee Shacbiga Somaliland ku qaadeen taliskii hore ee Siyaad Barre.

Ururkii SNM oo lagu tilmaamo inuu sababay burburkii nidaamkii hore ee kali kataliska ahaa ee Siyaad Barre, ummadda reer Somaliland u horseeday inay mar labaad xorriyadooda lasoo noqdaan. Waxaana dadka qaarkii u arkaan in Mr. Siilaanyo laba daraale ninkii markaas ay iska soo horjeedeen ee Siyaasad Barre ku eryaday hadal iyo xirfad, dhinaca siyaasadda gudaha iyo dibadana uu albaab walba kasoo xidhay.


DOORKUU KA QAATAY DHISMAHA QARANKA IYO NADADAYNTA SOMALILAND

Mr. Siilaanyo markii dalka la xoreeyey 91kii kama fadhiisan siyaasadda waxaana uu ka qayb galay dibudhiskii iyo horumarkii dalka. Sannadihii 93-97kii wuxuu ahaa mudane ka tirsan golaha wakiiladda, taasoo ku lahaa haybad iyo wax kaqabad laguna bartay daacadnimo iyo toosinta talada dalka.

Mr. Siilaanyo oo lagu tilmaamo inuu yahay shakhsiyaadkii tirada tiradaa yaraa ee ka danbeeyey deganaanshana iyo xasiloonida Somaliland, waxaana loo arkaa inuu dhawr jeer Somaliland ka badbaadiyey dhibaato kusoo fool leh. Ugu horrayn sannadkii 1990kii markii dalka la xoreeyey wuxuu u tafa xaytay nadadaynta iyo xasiloonida Somaliland waxaanu guddoomiye u ahaa guddidii la odhan jiray Forum for Peace oo lagu tilmaamo inay yihiin kuwii ka danbeeyey nabadgelyada iyo xasiloonida ka hana qaadaySomaliland.

Mr. Siilaanyo wuxuu ka mid ahaa madaxdii sare ee SNM ee taga gobolada Awdal, Sanaag, iyo Sool isagoo u olalaynaaya nabadgelyada iyo xasiloonida Maandeeq. Mr. Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii hoggaaminaayey shirarkii bilawgii 91kii ka dhacay magaalooyinka Berbera iyo Burco laysugu hawaynaayey beelaha reer Somaliland ee walaalaha ee uu iska horkeenay nidaamkii hore ee Siyaad Barre.

Sannadihii 1993kiina wuxuu qayb libaax ka qaatay isu soo dhawaanshaha beelahii taageersanaa SNM oo xilligaas qaarkood xurgufi dhex martay. Sidoo kalena wuxuu ka shaqeeyey sannadihii 94-96kii dibuheshiisiintii iyo soo afjaradii colaaddii sokeeye ee beelaha Somaliland ee soo wada galay halgankii SNM. Mr. Siilaanyo wuxuu hormuud ka ahaa shirkii Caynaan ee lagu qabtay magaalada Caynaba, shirkaas oo bud dhig u ahaa soo afjaradii khilaafkii siyaasadeed ee dhex maray beelaha Somaliland. Waxaanu door fiican ka ciyaaray shirarkii ka dhacay sannadkii 96kii Durruqsi iyo Beer.

Sannadii 1997 markii Cigaal dib loosoo doortay wuxuu kamid ahaa golaha wasiirada waxaana uu soo qabtay xilalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta. Wakhtigii uu hayey Wasaaradda Maaliyadda oo u leehay waayo aragnimo badan waxaa uu sugay oo caadi ka dhigay shilling Somaliland oo uu ku jiray qiimo dhac badani, waxaa kaloo uu wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u dejiyey qorshe miisaaman oo ay ku hawl galaan.

Mr. Siilaanyo intuu hayey Wasaaradda Qorshaynta ee Somaliland wuxuu sameeyey talooyin balaadhan oo wax ku oola waxaanu sameeyey qaab iyo nidaam ay ku shaqeeyaan dawladda dhexe iyo ururada caawimada baxsha ee waddanka joogaa, waxaana hirgalay mashaariic intuu ahaa isuduwaha hay’adaha caawimada baxsha. Waxaana jirtay in is casiladiiisii aanay ku farxin ururada samafalku oo arkaayey inuu yahay siyaasi sare oo aragti dheer oo lala shaqayn karo, waxaa kaloo iyana is casiladaas walaac ka muujiyey waddamada jiiraanka ee ee ku bahoobay urur gobaleedka IGAD oo ay qaarkood xidhiidh aad u qoto dheer la leeyihiin.

Mr. Siilaanyo waxaa kaloo laga ixtiraamaa waddamada reer Galbeedka waxaana uu xidhiidh dhow la yeehay waddamada Yurubta midowday,Maraykanka iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Sannadkii 2001 oo ay dalka ka taagnayd khilaaf siyaasadeed oo ba’ani oo ku salaysan habka loo qabanaayo doorashada ka dhacaysay Somaliland, Mr. Siilaanyo wuxuu u tafaxaytay sidii u caadada ahayd inuu dhex dhexaadiyo labadii dhinac ee markaas xurguftu ka dhexaysay oo kala ahaa xukuumaddii iyo mucaaridkii xilligaas. Mr. Siilaanyo inkastaanu ku guulaysan inuu heshiisiiyo labadii dhinac, wuxuu seh ku guulaystay inuu qaboojiyo oo qanciyo labadii dhinac ee is hayey. Taasoo horseeday inaan labadii dhinac ee is hayey ayna ku kicin waxaan dani ugu jirin qaranka.


DHIIRIGELINTA HANNAAN SOCODKA DIMOQRAADIYADDA SOMALILAND


Mr. Siilaanyo isagoo dhiirigelinayaa hannaan socodka dimoqraadiyadda Somaliland wuxuu bishii Mey 2002 aasaasay xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE. Xisbiga KULMIYE himiladiisu waa inuu dhiso dawlad kooban oo tayo leh oo hanata talada dalka si bulshadu u hesho daryeelka ay u baahan yihiin, dalkuna u gaadho horumarka la hiigsanaayo ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidaan la socono KULMIYE wuxuu kamid yahay saddexda ee Xisbi ee qaranka waxaanu guul balaadhan kasoo hooyey labadii doorasho ee u danbeeyey doorashadii degaanka iyo tii madaxweynaha.

Waxaana shacbiga badankiisu aaminsanyahay in KULMIYE ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, laakiin dawladdu wax is dhaafisay oo iyadoo adeegsanaysa haybaddii, awooddii iyo hantidii qaranka ay afduubtay natiijadii doorashada oo si aan xaq ahayn loogu dhawaaqay in xisbiga UDUB ku doorashadii guulaystay, inkastoo xisbiga KULMIYE caddeeyey inuu isagu doorashada ku guulaystay, Mr. Siilaanyo wuxuu markii danbe isagoo u tudhaaya oo dhowraya danta qaranka uu ka tanaasulay mawqifkii hore ee ahaa inuu isagu ku guulaystay doorashadii madaxweynimada. Mr. Siilaanyo oo loo arko nimaan jeclayn iskuna dhejin xukunka wuxuu maskabkii u sarreeyey maandeeq ee shacbigu u doorteen ka doorbiday xasiloonida iyo nabadgelyada dadkiisa iyo dalkiisa waxaanu kaga dhabeeyey hadalkii uu yidhi intii muranka natiijada
doorashadu socotay ee ahaa : “Somaliland cidkastaba anigaa uga lexojeclo badan dagaal iyo xasilooni darrana kama dhacaymayso”.


SHAKHSIYADDA SIILAANYO


Mr. Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin daacad ah oo wakhtigiisii u lumiyey inuu adeego dadkiisa iyo dalkiisaba. Mr. Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aamin ah oo loogu iman karo ammaanada loo dhiibo, sidoo kalena hawl kar ah oo kasoo dhalaala xilka loo dhiibo.

Mr. Siilaanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin deggan oo aan deg degin, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi xeelad dheer oo aragti fog. Mr. Siilaanyo waxa la yidhaadaa waa nin dadka jecel oo ummaddu aanay ukala sokayn.

Mr. Siilaanyo waa nin hadalka baaliqi ku ah oo dadka ka dhaadhin kara fikradiisa oo hadal ku qancin kara dadka taageersan iyo kuwa dhaliilsanba. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin jecel midnimada iyo wadajirka.

Ugu danbayna waxaa lagu tilmaamaa in Mr. Siilaanyo yahay nin nabad jecel waxaana la yidhaahdaa waa tabliiqiga nabadda Somaliland. Waxaanan odhan karnaa waa siyaasigii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo intuu maskabka ugu mudan ee shakhsi aadmi ah ifka ka qabto ku guulaysto ( Madaxweyne qaran), haddana faraha ka qaado isagoo doorbidaaya deganaanshaha iyo xasiloonida dalkiisa.

Waxaana xaqiiq ah inuu Mr. Siilaanyo dadkiisa uga tegidoono dhaxal la taaban karo oo ay xusi doonto taariikhda soo jireenka Somaliland. Ugu danbayna waxaan odhan karnaa Mr. Siilaanyo waa halyeyga Somaliland “ Somaliland hero ” ee qaranka ka saari kara wakhtigan kala guurka ee laga guurayo qaabkii beelaha loona hayaamaayo habka dimoqraadiyadda ee ku dhisan nidaamka axsaabta badan.



REFERENCE:

Taariikh nolaleedka Siilaanyo waxaan ka helay qayb kamid ah:

1. KULMIYE website, Ahmed Siilaanyo CV.
2. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah madaxdii SNM iyo siyaasiyiin
kale oo Somaliland ah
3. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah shacbiga Somaliland ee dhex
dhexaadka ah iyo qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: sterio typing of women across somalia

Post by grandpakhalif »

Sakhran Siilaanyo wu dhiman doona, is that his obituary? lool :D
User avatar
Corruption1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1297
Joined: Fri Mar 04, 2011 8:30 pm
Location: London

Re: sterio typing of women across somalia

Post by Corruption1 »

:dj: :dj: :dj:

Image
User avatar
AgentOfChaos
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10113
Joined: Mon Aug 01, 2011 2:41 pm

Re: sterio typing of women across somalia

Post by AgentOfChaos »

You lost me at stereotyping.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”