MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by KingWaslawi »

SOURCE: http://www.raxanreeb.com/2013/02/kharii ... n-waharey/

Image

khariidadda Xalka Mustaqbalka Somaaliya
Eng Ahmed M Moalin – Waharey
Mail: ahmed.moalin@gmail.com
Febraayo 04 2013
Sida taarikhdu xusayso dadka Somaalida iyo Kurtiyiinta waxaa lagu tilmaamaa labada ummadood ee gumeystihii reer galbeedku sida ba’an ukala qeybiyay kuna kala darey dhowr wadan madaama ay ahaayeen ummado isku duubnidooda gumeystuhu diidanaa. Markii Somaaliya gumeystuhu go’aansadey in uu xoriyad siiyo waxaa uu go’aansadey in labo qeybood oo uu u bixiyay magacyo uu ku kala qaybinayo inuu madaxbanaani siiyo kuna dhiiriyo inay si fudud oo aan sharciyad adag ku dhisneyn isugu darmaan si gumeystuhu ugu sahlanaato iska horkeenkooda iyo kalaqeybintooda mustaqbalka.
Nidaamka sidaa salka ku hayay ayay ahayd midii ay ku curatay dowladii Somaaliyeed ee 1960 kii ay ku bahoobeen goboladii Somaaliyeed ee uu gumeystuhu u kala bixiyay British-Somaliland iyo Italian-Somaliland. Qof kasta oo somaaliyeed waa uu ka dharagsan yahay dhibihii soo kala dhexmarey Soomaaliya mudadii 31 sano ahayd ee dowladihii rayadka iyo militeriga ahaa ay dalka xukumayeen, waana mida aakhirkii dhalisay in Somaalidu kala aamin baxdo oo u kala qeybsanto habkii gumaystuhu uu horey ugu kala qeybiyay noqdaana kuwa gumaystihii miciin bida oo u kala dhuunta taasoo ahayd qorshihiisii hore ee gumaystuhu ugu talagay in Somaali ay lugta xirnaato.
Hadii aynu maanta eegno jawiga siyaasadeed ee uu gumaystuhu kula dhaqmayo Somaaliya, Bariga dhexe iyo Aasiya waxaa kuu muuqanaya in maanta gumaystiha reer galbeedka ay ka wada go’antahay inay maanta isku shaandheyn ku sameeyaan wadamadii ay lixdamaadkii xoriyada siiyeen iyagoo ka dhex abuuraya wadamo cusub oo ay siinayaan qoomiyadihii lixdamaadkii gumeystuhu xaqiray sida (KURTIYIINTA)oo uu ku kala firdhiyay Siiriya, Turkiga, Iraq and Iran. Gumeystuhu waxa uu maanta rabaa inuu boqolka sano ee socda bariga dhexe gacanta u geliyo dowlad weyn oo KURDI ah oo kakooban gobollo badan oo uu kasoo kala gooyay Iraq, Iran, Turkiga iyo Syria taasoo uu xag ciidan iyo xag dhaqaale ka dhisayo si ay u naqato awood cusub oo kaba qaad u ah gumaystaha sidoo kalana ku cabsi geliyo wadamada carabta iyo turkiga laguna wiiqo jaamacada carabta iyadoo carabta la burburinayo lagana dhigayo wadamo yaryar.
Hadii aan usoo noqdo xalka siyaasadeed ee maanta dadka Somaaliyeed la gudboon si ay uga baxaan kala qoqobka gumeystuhu kala dhexdhigay maalinta ay dantiisu ku jirtana uu jeebada kala soo baxo magacyadii uu ukala bixiyay ummadda Somaaliyeed sidoo kalena markii ay dani ugu jirtana isu janjeeriya hal dhan oo Somaaliya ah.
Runtii waxaan dhamaan ummadda Somaaliyeed magac kasta haloo bixiyee kula talinayaa inay ka guuraan qaab qariidadeedkii gumeytuhu ku kala suntadey sida British-Somaliland Italian-Somaliland taasoo ahayd falsafad gumeytaha uu sameystay kuna saleeyay fikirka oranaya (QEYBI OO XUKUN) oo xayndaab aan lagaa maarmeen hakuugu jireen weligood.
Maanta waxaa hubaal ah in Somaali u bislaatay xiligii ay keligeed samaysan lahayd xaydaab khariidadeed oo ku salaysan is-rabitaankooda, isfahamkooda iyo isla-jaanqaadkooda maamul siyaasadeed iyo dhaqaaalde, taasoo ah tan keliya ay kaga bixi karaan xeyndaabka 52 sano jirsadey ee danaha gumaystihii reer galbeedku samaysteen.
Xalka Mustaqbalka Somaaliya:

Xalka Mustaqbalka Somaaliya:
In Somaaliya loo kala qeybiyo labo jamhuuriyadood oo siman oo madax banaan sida:
1. Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya: Kana koobnaan doonta sedex maamul goboleed oo isku ah 11 gobol:-
Maamul Gobolleedka Bartamaha: (1)South-Mudug, (2)Galguduud, (3)Hiiraan,
Maamul Gobolleedka Shabeele : (4)Sh-Dhexe, (5)Sh-Hoose,
Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed : (6)Bay, (7)Bakool,
Maamul Gobolleedka Jubbaland : (8)Gedo, (9)Jubada- Dhexe & (10)Jubada-Hos
Casimadda : (11)Gobolka Banaadir (Muqdisho).
2. Jamhuuriyadda Federaalka Geeska Afrika: (Federal Republic of Horn Africa) Kana koobnaan doonta todobo maamul goboleed oo isku ah 21 gobol:-
Maamul Gobolleedka Bariga: (1)Bari, (2)Karkaar, (3)Sanaag-Haylaan
Maamul Gobolleedka Konfurta : (4)Nugaal, (5)Mudug, (6)Mudug-Bari (Jariiban)
Maamul Gobolleedka Bariga-Dhexe : (7)Sool, (8)Taleex, (9)Cayn
Maamul Gobolleedka Bartamaha : (10)Togdheer, (11)Saraar, (12)Sanaag
Maamul Gobolleedka Badda Cas : (13)Saaxil, (14)Oodweyne
Maamul Gobolleedka Galbeedka : (15)Awdal, (16)Salal, (17)Gabileey
Maamul Gobolleedka Waqoyi-Galbeed : (18)Saaxil, (19)Odweyne, (20)Howd
Casimadda Horn Afrika: (21)Gobolka MaroodiJeex (Hargeysa)
Gebagebadii iyo gunaanadkii waxaan ku gubaabinayaa dhamaan maamulada Somaaliya ka jira in midwalba isagu marka hore runta isu sheego isagoo xaqiiqda eegaya, waxa uu dhaliilsan yahayna dib u eegis ku sameeynaya, sidoo kalena dib-u-cabiris ku sameeynaya gobollada uu siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan la jaan-qaadi karo xag fahan, tayo iyo hufnaan bulshao isagoo eegaya…waxaan hubaa marka taasi ay si dhab ah u dhacdo in Somaali ay yeelanayso labo jamhuuriyadood oo madaxbanaan oo iskaashi iyo is qadarin isku haya lagana bogsoon doono colaadaha 52 sano gumeystuhu nakala dhexdhigey ee ku salaysneyd ku awrkacsiga danihiisa qaaska ah (QEYBI OO XUKUN).
Wabilaahi Towfiiq
Eng Ahmed M Moalin – Waharey
Mail: ahmed.moalin@gmail.com
Last edited by KingWaslawi on Mon Feb 04, 2013 10:36 am, edited 1 time in total.
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: MAP AND HE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by KingWaslawi »

LET THIS FLAG REMAIN :sland: :up:
User avatar
Thuganomics
Posts: 14075
Joined: Wed Sep 08, 2010 12:56 pm
Location: Arguments gain nothing but resentment, Disscussion however creates learning

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by Thuganomics »

Waar "Hoo Bariiska" ku dheh :lol:
User avatar
QaaliDumar
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1466
Joined: Tue Oct 18, 2011 6:14 am
Location: Hal jazaa'ul ixsaani ilal ixsaan....

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by QaaliDumar »

War calankiina xuduud u yeela :whoa:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by AhlulbaytSoldier »

One word:
DIIDNAY

There will be only one Somalia :som: :up:

No majeerteenland or isaaqland or any other qurunland.
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by KingWaslawi »

HutuKing01 wrote:One word:
DIIDNAY

There will be only one Somalia :som: :up:

No majeerteenland or isaaqland or any other qurunland.
WAAR XAGAAD U ILAWDAY XERTII KALE SUCH AS DHULOS, TUNA BROTHERS AND OTHERS
hydrogen
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9607
Joined: Sat Dec 22, 2012 2:44 pm
Location: Leicester

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by hydrogen »

Only greater Somalia will exist, like it or not. :som:

Ethiopians and Kenyans are enjoying the divisions with some raw meat baashaal.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by AhlulbaytSoldier »

Northwind wrote:
HutuKing01 wrote:One word:
DIIDNAY

There will be only one Somalia :som: :up:

No majeerteenland or isaaqland or any other qurunland.
WAAR XAGAAD U ILAWDAY XERTII KALE SUCH AS DHULOS, TUNA BROTHERS AND OTHERS
I dont mention insects dhulos, bacterians tuna brothers iyo gudabursi :holdup:
But i had to mention big cats such as Galmudug , Ahlusunnah and Ximan iyo Xeeb :steviej: A Mistake that will not happen again.
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by kambuli »

:blessed: :blessed: As long as Khaatumo State is there, this won't happen...It is the glue of the unity and this glue or bridge won't melt or break;

We are:

One Nation,
One language,
One Religion,
One people..
One flag :som:
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by grandpakhalif »

Majeerteen and Isaaq uniting is like oil and water,




..........they just dont mix.
Landerious
Posts: 228
Joined: Wed Jul 20, 2011 7:27 am
Location: Madgascar

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by Landerious »

:lol: Somaliland interests in Somalia may be minimal but we need to create a buffer zone so we can avoid Somalia's problems spilling over. We will take controll of parts of Puntland in the near future for that purpose.
hydrogen
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9607
Joined: Sat Dec 22, 2012 2:44 pm
Location: Leicester

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by hydrogen »

Landerious wrote::lol: Somaliland interests in Somalia may be minimal but we need to create a buffer zone so we can avoid Somalia's problems spilling over. We will take controll of parts of Puntland in the near future for that purpose.
You aren't creating anything.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by hargaysaay »

ONE COUNTRY ONE PRESIDENT ONE CAPITAL THATS HOW WE WILL ROLL
KHURAAFAADKA INAGA DAAYA SXBYAAL
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by kambuli »

^^^^co-sign with Hargeysey.. :up:
User avatar
Zizzz
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 332
Joined: Sat Oct 01, 2011 12:06 pm
Location: In a cave, in Cavelandia.

Re: MAP AND THE FUTURE OF SOMALIA (PLEASE DISCUSS)

Post by Zizzz »

kambuli wrote::blessed: :blessed: As long as Khaatumo State is there, this won't happen...It is the glue of the unity and this glue or bridge won't melt or break;

We are:

One Nation,
One language,
One Religion,
One people..
One flag :som:
Image


May Khaatumo state prosper in sha allah.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”